Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Danjireyaal Cusub

Friday January 31, 2025 - 11:48:13
Hadhwanaag
Danjireyaasha uu Madaxweynuhu ka guddoomay warqadaha



Muqdisho, Jannaayo 30, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaal cusub oo ku soo biiray diblumaasiyiinta ka howlgala dalkeenna.

Danjireyaasha uu Madaxweynuhu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah:

1. Amb. Abdirahman Khalil Ahmed – Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Sudan

2. Amb. Rowaid Adil Mohamed – Danjiraha cusub ee Falastiin

3. Amb. Morakot Janemathukorn – Danjiraha cusub ee Thailand

4. Amb. Bernard Yohana Kibesse – Danjiraha cusub ee Tanzania

5. Amb. Ana Filomena da Costa Rocha – Danjiraha cusub ee Portugal

6. Amb. Martin K. NGOGA – Danjiraha cusub ee Rwanda

7. Amb. Mahi Boumediene – Danjiraha cusub ee Algeria

8. Amb. Matsuura Hiroshi – Danjiraha cusub ee Japan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya la leedahay dalalka ay danjireyaashani ka socdaan, si loo adkeeyo iskaashiga diblomaasiyadda, dhaqaalaha, horumarka iyo amniga.

Danjireyaasha warqadaha laga guddoomay ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya soo dhoweynta diirran, iyagoo soo bandhigay sida ay uga go'an tahay in ay dadaal ku bixiyaan horumarinta xiriirka ay dalalkoodu la leeyihiin Soomaaliya.

May be an image of 4 people, dais and text
May be an image of 4 people, dais and text
May be an image of 5 people and dais
May be an image of 3 people, dais and text
May be an image of 3 people and dais
May be an image of 4 people and dais
May be an image of 4 people and dais
May be an image of 4 people and dais
     
Loading...