Japan waxay heshay hab cusub oo cajiib ah oo guryaha looga ilaaliyo dhulgariirrada!

Tuesday March 11, 2025 - 22:08:36
hadhwanaagnews
Tani waxay ka caawisaa in burbur la yareeyo, waxaana la xaqiijiyay

May be an image of 1 person and text that says 'ΖΙΝ SCIENCE SCIEN FACTS Japan is is creating technology to lift houses into the air during earthquakes.'

Shirkadda Air Danshin ee Japan ayaa sameysay guryo "kor u kacaya” oo isticmaalaya hawo cadaadis ah si ay u qaadaan guryaha marka dhulgariir dhaco. 

Gurigu caadi ahaan wuxuu dul saaran yahay barkin hawo oo fidsan, laakiin marka dhulgariir dhaco, barkinta ayaa buuxsamaysa oo guriga kor u qaadaysa. Gurigu wuxuu hawada ku nagaadaa inta dhulgariirku socdo ka dibna si nabad ah ayuu dhulka ugu soo laabtaa.

Tani waxay ka caawisaa in burbur la yareeyo, waxaana la xaqiijiyay in qaar ka mid ah guryaha adeegsaday farsamadan ay nabad galeen intii uu socday dhulgariir xooggan oo cabirkiisu ahaa 7.3-magnitude sanadkii 2021! Japan sidoo kale waxay isticmaashaa qalab lagu cabbiro gariirka dhulka iyo dhaqdhaqaaqa volcano-yada si ay dadka uga digaan khataraha.
     
Loading...