Madaxwayne Ku-xigeenka JSL ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo uu yeelan doono Maamulka Gobolka Sanaag

Wednesday March 12, 2025 - 13:41:00
hadhwanaagnews
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa u kuur galay xaaladda Cisbitaalka...



Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo uu yeelan doono Maamulka Gobolka Sanaag, isla markaana kormeer-na ku soo maray Cisbitaalka Ceerigaabo iyo Xabsiga Dhexe.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo weftiga ballaadhnaa ee u hoggaaminayo oo wali socdaal shaqo ku jooga Magaalada Ceerigaabo ayaa Shalay soo kormeeray Xabsiga Dhexe ee Gobolka Sanaag iyo Qaybaha kala duwan ee u ka kooban yahay Cisbitaalka Ceerigaabo.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa u kuur galay xaaladda Cisbitaalka Iyo Xabsiga Dhexe soona indha-indheeyey xaalada dhabta ah ee bukaanka iyo maxaabiista. Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa, ballan qaaday in ay Xukuumaddu si deg deg ah wax uga qaban doonto baahiyaha ka jira Gobolka.

 

Madaxweyne ku-xigeenka waxa kormeerkiisa ku wehelinayey Wasiirka gadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Cismaan Afgaaab, Maamulka Gobolka Sanaag, ka Degmada iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa sidoo kale dhagax dhigay Dhisme cusub oo loo dhisi doono Maamulka Gobolka Sanaag.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuiradda Somaliland,ayaa si qoto dheer uga war bixiyey ujeedada kormeerkiisa, waxaanu mar kale bulshada reer Sanaag u xaqiijiyey in Xukuumadda WADA-JIR Iyo WAXQABAD ay diyaar u tahay horumarinta iyo wax ka qabashada baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira Gobolka Sanaag.

     
Loading...