1. Faallooyinku keliya waa ereyo.
Kelmaduhu malaha macno aan ahayn ka aynu siinno! Inta badan waa hadal aan meesha leegaygn . Laakiin, qofka hadalka soo tuuray , wixii uga dan leeyahay inaad ka xanaaqdo oo ku sifowdo waxa uu yidhi, sidaas awgeed, ereyadaa kala badhkood inay macno yeeshaan, adiga ayaa qayb ka noqon kara! Wax aan micno lahayn, adigu u yeelin!
Wax kasta sida uu u muuqdo maaha.
2. Qofka kale kuma yaqaan adiga.
Dadku inta badan dhinac uun bay kaa yaqaannaan, inta adiguba aad hadda ka taqaanno jilaa aad TV ka aragtay.
Qofku inuu fikrdad guud kaa haysto waa laga yaabaa, laakiin inta badan si qotodheer kuuma yaqaanno.
3. Masabidid (projection)
Mararka qaar dadku wax guduhooda ka haysta, ayaa ay dadka kale ku eedeeyaan.
"qofka had iyo goor beenta sheegaa , wuxuu badanaa jecel yahay in dadka kalena beenalayaal noqdaan", sida laga soo xigto Freud.
Dadka qaar ayaa ay dabeecad ka noqotaa inay dadka wax ka sheegaan.
4. Shucuurta caadifadda ayaa wax walba saamaysa.
Qofku si kala duwan ayaa uu kuu malayn doonaa. Dhaqanno kala geddisan ayaa uu yeelanayaa oo ah kolba xaaladda uu ku jiro. marka ay wax cunayaan, markay gaajoonayaan, waa kuwo caadifadaysan; markay maalintoodu wacan tahay, iyo markay xun tahay.
Si guud qofka marka ay noloshiisu sii xumaataba , waa mar kasta oo celcelis ahaan ay sii badato in dadka kale heerkooda ama qiimahooda hoos u dhigo, si uu saami ahaan u dareemo inuu ka wacan yahay!
Iska fahan, hadalka kasoo yeedhaya, waxaa ka keenaya xaallada uu ku jiro; maaha wax adi kugu socda.
5.Horumari noloshaada
Haddii isha keliya ee isku qiimayso ay tahay dadka kula nool iyo ereyada ay kuugu qirayaan; hadalkoodu waa uu saamayn badan doonaa.
Marka aad leedahay waxyaabo ka fiican oo aad ka werwerto ama waxyaabo qiimo badan oo aad qabsatay, ereyadoodu waxa ay u muuqan doonaan kuwo aan wax qiimo ah lahayn!
Ha ku tiirsanaan hadalka dadka, balse hadalkooda la'aantood waxqabso; markaa shaqsi ahaan ku saamayn maayo.
6. Wax kale oo ka duwan diiradda saar.
Innaga oo ka duullayna xeellada qodobka sare, waa inaad diiradda saarto wax kale oo muhiim ah. Qofku laba maskaxood malaha; maanku waqtigii hal shay ayaa uu diiradda saari karaa , laakiin haddii aad ku sii dheganaatid hadal qof kale ku yidhi, dhabtii waxaad dhaawacaysaa noloshaada.
Waa inaad go'aansataa in xoogga saarta wax ka wacan; naftaadu waxay dareemi raynrayn.
7. U qaado shaqsi ahaan!
Bal aynu arrinta oo dhan 180° ku dhammaystirno oo halka aynu ka dhaqaaqnay kusoo noqonno.
Bal ka warran haddii aad isku daydo inaad dhagaysato hadallada ay kaa sheegayaan?
Waxaa kuu soo baxaysa in badi waxa ay ku hadlayaan aannay macno lahayn.
Sidaas si ka duwan kalmadaha qaar ayaa noqon kara run!
Hadalka lagaa sheegayaa marka aad miisanka saarto ama qiimayso haddii uu dhab noqdo, waa in aannad isdiidsiin. Waa inaad soo dhawaysaa. Fursad inuu kuu yahay, waa inaad u aragtaa. Kaddib, waa inaad u dhaqaaqdaa sidii aad wax uga baddali lahayd.
Marka aad baddasho waxii lagugu dhalliilay, marka dambe hadalku waxaa uu noqon doonaa mid aan ku khusayn, illeen waaba xallisay wixii lagaa sheegayaye.
Soo dhawaynta waxa lagaa sheegay, waa wax wanaagsan marka ujeeddo wayn aad ka leedahay.
Ujeeddaadu markay tahay inaad toosisid waa waxtar wayn. Taasina waxa ay keenaysaaa in culayskii iyo dhanka xun ee aad u qaadan lahayd meesha ka baxo.
Ugu dambeyntii, waxaad ka heli kartaa ajar, marka aad cafiso dadka wax kaa sheegay oo xitaa janno ayaa lagu galaa.
W/Q: Maxamed Haybe Axmed
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!