HADHWANAAGNEWS

Guddiga Nabadgalyada Gobolka Saaxil ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Berbera ka soo saaray go’aamo muhiim ah oo ku wajahan dalxiisayaasha u imanaya xeebaha Berbera maalmaha Ciidda.
Guddigu waxa uu darawallada gaadiidka ugu baaqay inay dhimaan xawaaraha isla markaana ay si buuxda uga masuul noqdaan badbaadada dadka ay sidaan. Sidoo kale, waxa ay si gaar ah uga digeen gaadiidka basaska ah ee keena dalxiisayaasha, iyaga oo ku adkeeyay in aanay ka tagin rakaabka ay keeneen, balse ay dib ugu celiyaan meelihii ay ka soo qaadeen. Guddigu waxa uu sheegay in gaadhi kasta oo bas ah oo ku xadgudba arrintan la xidhayo, sharcigana lala tiigsan doono.
Dhanka kale, guddigu waxa uu dalxiisayaasha ku booriyay inay ka digtoonaadaan khataraha badda, isla markaana ay iska ilaaliyaan meelaha halista ah si looga hortago shilal iyo khasaare naf iyo maalba leh.
Taliyeyaasha ciidamada kala duwan ayaa iyaguna sheegay inay galeen diyaargarow xooggan si loo xaqiijiyo amniga iyo badbaadada bulshada inta lagu jiro maalmaha Ciidda.
Magaalada Berbera ayaa xilliyada Ciidaha noqota meel ay u dalxiis tagaan dhalinyaro badan oo ka kala yimaadda magaalooyinka dalka, kuwaas oo u yimaada inay ku dabaashaan badda. Si kastaba ha ahaatee, sanad walba waxaa dhaca shilal iyo khasaare ka dhasha badda iyo gaadiidka, taas oo keentay in la adkeeyo tallaabooyinka badbaadada.







