Madaxwayne Ku Xigeenka oo Kormeer ku Sameeyay Mashaariic iyo Qaar ka Mida Xarumaha Dawladda Berbera

Wednesday May 07, 2025 - 16:37:40
hadhwanaagnews
Geesta kale madaxwyane ku xigeenka Somaliland ayaa kormeerkiisa



Berbera Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku sugan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa shalay kormeer ku sameeyay mashaariic horumarineed oo ka socda magaalada iyo sidoo kale qaar ka mdi ah xarumaha dawladda, waxaana ka mid ahaa mashaariicda uu soo kormeeray mashruuca Biyo ballaaadhinta oo dhawaan madaxwaynaha Somaliland Maxamed Cabdilahi Cirro dhagax dhigay, iyo Xarunta Dawlada Hoose ee degmada Berbera.

 

Madaxwayne ku xigeenka ayaa waxa kormeerka ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha iyo Amniga Somalialnd Cabdale Sandheer, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Xoghayaha Gobolka Saaxil Nuux Maxamed Saleebaan iyo Maayerka Degmada Berbera Cabdishakuur Cidin.

 

Madaxwayne ku xigeenka oo hadal ka jeediyay kormeerka uu ku tagay halka uu ka socdo mashruuca Biyo balaadhinta Berbera ayaa waxa uu yidhi "Xukuumadda magaceeda ayaa waxa la yidhaahdaa wadajir iyo waxqabad, farxad ayay ii tahay maanta in mashruuc uu maxdaynuhu uu dhagax dhigay bil ka hor oo ka mid ah waxyaalaha horumarka ah ee degmada Berbera gaar ahaan magaalada Berbera, markaad eegto ee aad amniga ka timaado biyaha waxaan u malaynayaa in ay yihiin kaalinta labaad, biyo la’aana waxaan u malaynayaa in aan cidiba noolaan karin, Mareeyaha wakaalada biyuhu aad buu ugu mahadsan yaha,y waan ku bagaadinayaa in mashruucii uu madaxwaynuhu bil ka hor dhagax dhigay maanta gabogabo marayo, oo ay u hadhsan tahay uun in halkii kaydka lagu xidho, mashruucaasi oo 13-km iyo badh ahaa shaqo yar may ahayn.”

 

Geesta kale madaxwyane ku xigeenka Somaliland ayaa kormeerkiisa waxa uu ku tagay xarunta Dawlada hoose ee Berbera iyada oo halkaasi uu ku soo dhaweeyey Maayer Cabdishakuur Cidin iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha deegaanka, waxaana hadalkii madaxwayne ku xigeenka JSLhalkaasi ka jeediyey ka mid ahaa "Maayerku kaligii waxba ma qaban karo hadaanay la shaqaynay dadka deegaanku, inta ka hadhay wakhtigooda waxaan rajaynayaa in ay sidaas iskugu duubnaadaan, waxaan u sheegayaa dawladaha hoose oo dhan in ay rikoodh dhigaan oo ay wax ururiyaan, magaalo waxa dhisaa ama baabiiyaa waa dawlada hoose”.

 

Gabagabadii Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Danjire Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka hadlay kiisaska Maxkamahada yaal gaar ahaan kuwa dhulka mar uu arimahaasi ka hadalayeyna waxa uu yidhi: "Maxkammadaha markaad tagto meelo aan yara eeg eegay waxa laysku haystaa waxay u badan yihiin waa dhul, waxa la ii sheegay kiis dhul ah oo socday magaalooyinka Hargaysa iyo Boorama muddo 18 sanno, midna 19 sanno socday, markaa ma in aanu dhammaan ayaa la rabaa, waynu dhaafi doonaa insha allah dhulkuna dhul lagu ma’mo noqon maayo”.

Dhinaca kale, Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa Isniintii dorraad kulan la yeeshay Guddida Nabad-gelyada Gobolka Saaxil, kuwaasi oo uu uga xog-warramay xaaladda guud ee Gobolka Saaxil.

 

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxa kulankaasi ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo xubno kale oo ka tirsan Xukuumadda, Kulankan ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray sidii loo adkayn lahaa xaaladda Amniga Gobolka Saaxil, maaddaama ay inagu soo wajahan-tahay Munaasibadda Xuska Maalinta Qaran ee 18-ka May.

 

XUbnaha guddida nabad-gelyadda Gobolka Saaxil oo hadalka u kala dambeeyey ayaa si hufan war-bixino uga siiyey Madaxwayne kuxigeenka xaaladda amaan ee Gobolka iyo qorshayaasha lagu sugayo amaanka iyo arrimo kale oo mihiim ah. Masuuliyiinta Gobolku waxa ay Madaxweyne ku-xigeenka JSL si mug leh ugaga mahad naqeen booqashada iyo kulanka xog-warranka ah.

 

Madaxweyne ku-xigeenka oo kulankaasi ka hadlay ayaa Guddida Nabad-gelyada Gobolka Saaxil uga mahad naqay dedaalka ay waddaan ee xoojinta amaanka iyo sida hagar la’aanta ee ay ugu addeegayaan Qarankooda, waxana uu ku booriyey in ay sii laban laaban shaqada ay u hayaan bulshadooda.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Soamliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda cusub ay mar kasta mud-naanta siinayso Nabad-gelyadda, kuna hawlan tahay ka shaqaynta horrumarinta dalka, dadka iyo wadajirkooda. Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu xusay in Xukuumaddu ay mar kasta diyaar u tahay in ay dheggaysato bulshadeeda.

 

Waxa kale oo Madaxweyne ku-xigeenku sheegay in ay ka go’antay in Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad fulinta ballan-qaad-yaddii ay u samaysay xilligii ololaha bulshada Gobolka Saaxil iyo guud ahaan-ba shacabka reer Somaliland, waxana uu yidhi: ”Waxa aannu an diyaar u nahay in aan wax ka dhabayni ballan-qaadyadii Xukuumadda ee ku aadanaa Gobolka Saaxi, taasoo ay ugu horrayso wax ka qabashada cabashada Korontada Berbera.”

 

Geesta kale Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa sidoo kale Isniintii kormeer hawleed ku soo maray Dekedda Caalamiga ah ee Berbera, oo run ahaantii ku tallaabsatay horrumar ballaadhan.

 

Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa soo indho indheeyey mashaariic-da waaweyn ee ay shirkadda Dekedda gacanta ku haysa ee DP World ay ka hirgelisay gudaha Dekedda iyo qalab casri ah oo ay keentay isaga oo war-bixin ka dhegaystay maamulka Dekadda, kuwaasi oo ku dheeraaday horrumarka wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsatay Marsadda Caalamiga ah ee Berbera.

 

"Dekadda Berbera waa wadnaha Somaliland, waa Marso Qaranka kaalin weyn ugu jirta, waxana ka socda horrumar ballaadhan. Ka Xukuumad ahaan waxa naga go’an in aanu sii ballaadhino Marsadda Berbera oo mustaqbalka dhaw noqon doonta mid geeska afrika u adeegta.” Madaxwayne ku xigeenka ayaa sidaas yidhi.

 

Dhanka kale maxMadaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ayaa ka mahadceliyey sida Bulshadda Gobolka Saaxil ay u maamuuseen una soo dhaweeyeen isaga iyo weftigiisa.

     
Loading...