Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
1-Abuurteenan Dunida Ifkan Aan U Joogna,
Isgoon Adeecniyo Alle Ka Cabsi Weeyaan.
2-Aminaanta Diintiyo Aqooniyo Waxbarashada
Uunka Kala Hormarise,Looma Eexan Qaarken.
3-Admigaynu Dheerahay,Asaraarka Iyo Muran,
Ashooday Dhaqaaqaan,Itaalkooda Duul Ogi.
4-Iyagaa Isu Muuqdoon,Arkahayn Asaagooda,
Abtirsiimo Baasiyo,Awr Jinba U Wada Raran.
5-Uurka Laga Coloobayo,Isilbuuxin Maayaan,
Amaan Ruuxa Doonow,Afkaxidho Waxun Eeg,
Ismail handuleh <[email protected]>
Ismail Abdillahi Handuleh
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!