Sahankaagu Waa Guule,Soco Oo Ha Naga Seexan,Sii Jeedo Ha Soo Jeesan.Seefiyo Kitaab Qaado,Dadku Way Ku Sugayaane.

Saturday July 05, 2025 - 17:24:23
hadhwanaagnews
Sudhan Yaheen La Rogahaynin,Siraadka Iftiimaya,



1-Soomaalilaanteenu,Sayruuq Weeye Nuuraaya,

 

Sawraca Tilmaanteedu,Saddex Liidleh Calankeda,

 

Sadarada Quraankeena,Tawxiidka Lagu Seesay,

 

Sudhan Yaheen La Rogahaynin,Siraadka Iftiimaya,


 

 

2-Soomaalilaanteenu,Sebi Ma Ah Loo Baqaayo,

 

Subag Maah Qubanaya,Sahal Galas Ku Jaba Maah,

 

Siriq Iyo Sir Loo Qoolay,Weligeed Kumay Siiban,

 

Sixiriyo Sun Loo Qosho,Saatirba Ka Samobixiya.


 

 

3-Sadqudheed Ma Yeelayso,Iyaduna Cid Siinmayso,

 

Sanka Ruuxa Taagaya,Sacabada Ma Hoos Dhigato,

 

Siday Doonto Mooyane,Sankuneefle Uma Yedhsho,

 

Sasabiyo Ka Weynanay,Suuldhabalo Beenbeenah.


 

 

4-Sare Ruuxa Uma Eegno,Sadu Leeyay Kama Boobno,

 

Samo Ruuxa Noo Quudha,Yaa Madaxa Noo Saaran,

 

Sarsariigashada Ceebta,Sumcadeena Sharfkeeda,

 

Samirkiyo Dulqaadkeena,Siisanmayno Saadaalo.


Ismail handuleh <[email protected]>


     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...