John lewis oo 73 sano jiray oo ahaa hantiile cadaan ah oo ku nool Blackstock gobolka Caroline ee Maraykanka, ayaa la helay maydkiisa sanadkii 1913. Dilka ninkaasi cadaanka waxa loo soo xidhay laba nin oo walaalo ah oo ahaa Mulkiilayaal ka soo jeeda bulshada madow, isla markaana ahaa maalqabeendii deegaankaasi ugu hantida badnaa laguna magacaabi jiray Thomas iyo Meeks.
Labadan nin ee madowga ah wixii ay hanta lahaayeen oo dhan markii dilka lagu eedeeyay way iibiyeen si ay isugu difaaacan. Dhamaan garyaqaanadii iyo dadkii kale ee difaacayay ayay hantidoodu ku baxaday.
Inkasta oo ay isku deyeen inay is difaacaan haddana ugu danbayntii maxkamadii waxay ku xukuntay in labadoodaba dil kursiga laydhka ah lagu fuliyo madaama ay nafta ka jareen nin cadaan iyagoo ka soo jeeda bulshada madowga ah.
Laakiin markii danbe waxa cadaatay in dilka ninkaasi cadaanka uu geystay nin tuug ah oo isaga laftiisu bulshada caddaanka ka mid ahaa la odhan jriay Stephen. Waxase labadan nin ee madow ee walaalaha loo dilay iyagoo dadka caddaanka ahi aad uga cadhaysnaa sababta ay hantida dhulka iyo beerahan ku kasbadeen. Sidaasi ayay ahayd cadaaladda dadka cadaanka ee Maraykanka sanadkii 1913. ( The telegraph)