Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee SOMALILAND oo tababar u soo xidhay shaqaale ka tirsan Maxkamadda Sare iyo Maxkamadaha Hoose ee Gobolka Maroodi-jeex.

Thursday May 09, 2024 - 09:40:28
Hadhwanaag
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare SOMALILAND Aadam Xaaji Cali..



Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa maanta tababar usoo xidhay 30 xubnood oo iskugu jira madax-qaybeedyo, kaaliyayaal iyo gaadhsiiyayaal ka tirsan Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Hoose ee Gobolka Maroodijeex, tababarkan oo la xidhiiday bad-baadada degdega ah (firsta aid) ayaa labadii maalmood ee u danbeeyay ka socday Maxkamadda Sare ee SOMALILAND

May be an image of ‎10 people, hospital and ‎text that says '‎JAMHUURIYADDASOMALILAND REPUBLIC OF SOMALILAND MAXKAMADDA SARE AHNA MAXKAMADDA DASTUURIGA AH SUPREME SUPREMECOURTANI COURT AND CONSTITUTIONAL COURT والدس والا العليا المعكمة anderses Mati Batarat5m aentuurgansa บอนกร し性密 注留应 TABABAR KU SAABSAN GARGAARKA DEGDEGA BARGAARKADEGDEGAAH AH M Meshamaata Sare 1-8 May 2024‎'‎‎

Tababarka oo ay bixinaysay Akadamiyada SOFO ayaa ujeedadeedu daarnayd sare-u-qaadida wacyiga hawl-wadeennada Maxkamaddaha, ee dhanka gargaarka degdega ah, marka ay la kulmaan qof xaalad halis ah ku jira oo u baahan bad-baado.


Dr. Axmed Xasan Filibiini iyo Drs. Hoodo Axmed oo tababarka daadahaynayay ayaa si qoto dheer hawl-wadeennada Maxkamadaha, ugu faa’iideeyay jaran-jarooyinka la qaadayo marka qofku la kulmo qof u baahan gargaar degdeg ah (first aid) iyo qaybaha kala duwan ee ay u dhacaan.


Guddoomiyaha Maxkamadda Sare SOMALILAND Aadam Xaaji Cali oo madasha xidhitaanka tababarka ka hadlay ayaa ugu horayn Akadamiyada SOFO uga mahad-celiyay, doorka shariifka ee ay ka qaateen in xubnaha tababarka soo xaadiray fursad u helaan xirfaddo waarra oo noloshooda oo dhan anfaca.


Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tibaaxay ahmiyada tababarada noocan ahi bulshada u leeyihiin, waxaanu hawl-wadeennadii tababarka qaatay u hogga-tusaaleeyay sida ay naftooda, ta qoyskooda iyo ta bulshadaba ugu anfici lahaayeen.


Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa kula dardaarmay xubnaha tababarka qaatay, in ay joogteeyaan sare-u-qaadida xirfadaha muhiimka ah ee bad-baadadu ku jirto, waxaanu ku booriyay in ay bulshada usii gudbiyaan oo uga faa’iideeyaan hadba inta ay gaadhsiin karaan.

May be an image of ‎6 people, hospital and ‎text that says '‎uriyadda somaliland kamadda Sare ee JSL SOMALILAND FIRST SOFO ACADEN Jamhuuriyadda somaliland Maxkamad ይ JSL SOFO Our Serdees SecondarySchook Schoole Finst dTraining Secondary Publit ndPriwate Consuhant Safety Troining Hotela +Training Fundomental Troining Chorion TABABAR KU SAND GARGAARKA DE kamadda Sare SOFO Semolilon promoting that kngws sttcinani derganisatian olunteering energy eدtع
May be an image of 3 people, hospital, dais and text
May be an image of 10 people and dais
May be an image of 4 people and people studying
May be an image of 8 people and hospital
May be an image of 1 person, smiling and hospital
May be an image of 1 person and hospital
May be an image of 4 people and hospital
May be an image of 5 people and people studying
May be an image of 3 people, beard and people studying
May be an image of 8 people, people studying and hospital
May be an image of 2 people, hospital and text
May be an image of 4 people, people smiling, hospital and text that says '-8 8/ / May B/May/ / SOFO To produce C trusing volur'
May be an image of ‎10 people, hospital and ‎text that says '‎JAMHUURIYADDASOMALILAND REPUBLIC OF SOMALILAND MAXKAMADDA SARE AHNA MAXKAMADDA DASTUURIGA AH SUPREME SUPREMECOURTANI COURT AND CONSTITUTIONAL COURT والدس والا العليا المعكمة anderses Mati Batarat5m aentuurgansa บอนกร し性密 注留应 TABABAR KU SAABSAN GARGAARKA DEGDEGA BARGAARKADEGDEGAAH AH M Meshamaata Sare 1-8 May 2024‎'‎‎
May be an image of 3 people, hospital, dais and text
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...