Xafiiska Garyaqaanka guud Shaqadiisu waxay tahay in Maxkamadaha uu ka Difaaco… "Xuseen Jaamac Belel

Monday June 24, 2024 - 13:25:31
Hadhwanaagtv
Xuseen Balal Oo Arimahaasi Ka Hadlayayna.Waxa..



Ku Xigeenka Garyaqaanka Guud Ee Qaranka Xuseen JaamacBalal Ayaa Ka Hadlay Ahmiyada Uu U Leeyahay Qaranka Xeerka Garyaqaanka Guud Oo Golaha Guurtida Ansixiyay.

 

Xuseen JaamacBalal Ayaa Waxa Uu Sheegay In Shaqada Xafiiska Garyaqaanka Guud Ay Tahay In Maxkamadaha Ka Difaaco Xafiiska Garyaqaanka Guud Dacwadaha Madaniga Ah Ee Xukuumadda Lagu Dacweeyo Iyo La Talinta Sharciga Ah Ee Xukuumadda Iyo In Faafinta Rasmiga Lagu Soo Saaro Xeerarka.

 

Xuseen Balal Oo Arimahaasi Ka Hadlayayna.Waxa Uu Yidhi”Waxa Golaha Guurtida Uu Ansixiyay Xeerkii Xafiiska Garyaqaanka Guud,Waxaana Aan U Mahadnaqayaa Golaha Guurtida.Waxaana Uu U Gudbiyaa Doonaa Golaha Wakiilada Oo Waajibaadkooda Dastuuriga Ayay Ka Gudan Doonaan.

 

Xeerka WaaXeerka Aasaasaya Xafiiska Garyaqaanka Guud,Kaas Oo Shaqadiisu Tahay Shan Qaybood Oo Ay Ka Mid Yihiin Qabyoqoraalada Xeerarka Xukuumadda Wado Oo Laga Bilaabo Xafiiska Garyaqaanka Guud,Taas Oo Aanu Golaha Wasiirada Hor Gaynay Talabaad Waxa Weeye In Faafinta Rasmiga Lagu Soo Saaro Xeerarka.In Maxkamadaha Ka Difaaco Xafiiska Garyaqaanka Guud Dacwadaha Madaniga Ah Ee Xukuumadda Lagu Dacweeyo Iyo La Talinta Sharciga Ah Ee Xukuumadda,”.

     
Loading...