Muxuu ka dhigan yahay heshiiska Is-afgarad ee madaxweyne Ruto iyo Raila Odinga

Sunday March 09, 2025 - 14:45:51
hadhwanaagnews
Heshiiskan wuxuu ku soo beegmay xilli ay hoos u dhacday taageerada



Madaxweyne William Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo ay sheegeen in uu yahay mid lagu xoojinayo wadashaqeynta siyaasadeed ee dalka. Heshiiskan ayaa lagu tilmaamay mid aan aheyn awood-qeybsi ama xukuumad-wadaag, balse u jeedadiisu tahay in labada hoggaamiye ay si rasmi ah uga wada xaajoodaan arrimaha danta u ah dalka Kenya.

 

Ujeeddada heshiiskan ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii loo heli lahaa wadahadal joogto ah oo lagu xallinayo caqabadaha dalka, loogana hortagi lahaa xasarado siyaasadeed oo keeni kara kala qeybsanaan bulsho.

 

Labada dhinac waxay isku raaceen in ay iska kaashadaan xalinta dhibaatooyinka waaweyn ee Kenya,oo ay

kamid yihiin daynta xadhkaha gosatay iyo musuqmaasuqa baahsan ee dalka hadheeyay.

 

Heshiiskan wuxuu ku soo beegmay xilli ay hoos u dhacday taageerada madaxweyne Ruto, kaddib markii qorshihiisii cashuur kordhinta uu horseeday bannaanbaxyo xooggan, dhanka kale Raila Odinga oo isna ku guuldarreystay doorashadii Guddiga Midowga Afrika.

 

Si kastaba ha ahaatee, heshiiskan waxa uu dhaliyay falcelin xooggan. Dad badan ayaa qaba in wadashaqeynta Ruto iyo Raila ay dhaawici doonto doorkii mucaaradnimo ee Kenya, taasoo yareyn karta la xisaabtankii dowladda. Waxaa kale oo jira tuhuno ah in heshiiskan uu ka mid yahay xeeladaha siyaasadeed ee Raila Odinga uu marar badan horey u adeegsaday, maadaama uu horey sidan oo kale uga heshiiyay madaxwayneyaashii isaga ka horreeyay.

 

Inkasta oo Ruto iyo Raila ay sheegeen in MoU-gu uu yahay mid lagu dhisayo Kenya midaysan, haddana waxa uu muran ka dhex abuuray dadweynaha iyo siyaasiyiinta, kuwaasoo ka walaacsan in mucaaradku uu luminayo saameyntii uu ku lahaa siyaasadda Kenya. Waxa la dhawraya heshiiskan wuxuu ku dambayn doono horumar siyaasadeed mise dhawaac soo gaadha dimuqraadiyadda dalka Kenya.

     
Loading...