Somaliland waxay ku dhawaaqday madax-bannaani 1991 kaddib burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya ee kali-taliska ahayd. Illaa iyo hadda, si rasmi ah looma aqoonsan, balse waxay leedahay hay’ado dimuqraadi ah, ciidamo amni, lacag gaar ah, baasaboor iyo hannaan doorasho oo joogto ah.
Somaliland waxay hirgelisay doorashooyin dimuqraadi ah oo ku qabsoomay xasilooni iyo daahfurnaan siyaasadeed, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen afar doorasho oo awooda dalka lagula kala wareegay si nabdoon, taas oo aan marnaba ka suuro-gelin dadalka Geeska Afrika iyo qaar badan oo ka mid ah waddamada ugu waawayn caalamka.
Doorashadii 2024 waxay ahayd mid xasiloon oo lagu doortay xisbigii mucaaradka ee ahaa Waddani, taas oo astaan u ahayd biseyl siyaasadeed. Isla markaana fajaciso ku noqotay beesha caalamka iyo in Somaliland lagu tilmaamo jooharadda dimuqraadiyadda Bariga Afrika.
Somaliland waxay ku taallaa meel istaraatiiji ah oo u dhow marin-badeedka Bab Al-Mandeb. Laakiin la’aanta aqoonsi caalami ah ayaa ka horjoogsatay inay si buuxda uga faa’iidaysato fursadahaasi, gaar ahaan iyada oo ay sii kordhayaan dhibaatooyinka gobolka iyo hanjabaadaha sida Xuutiyiinta ee Gacanka Cadmeed.
Somaliland waxay noqotay mucjiso iyo halxidhaale layaab leh oo dhanka siyaasadda caalamiga ah: waa deegaan degan, dimuqraadi ah oo leh dhammaan astaamaha dowladnimada, in kasta oo aan la aqoonsan , balse dooda Somaliland ee la xidhiidha aqoonsiga madax-bannaanideeda ayaa ah mid ku saleysan xaqiiqo taariikhi ah oo ka soo bilaambaysa xiligii gumaysiga Ingiriiska iyo xornimadii 1960-kii, wakhtigaas oo ay aqoonsadeen Jamhuuriyadda Somaliland waddamo ka badan 30 dal oo caalamka ah.
Xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland waxay sii wadeen hawl-gallo lagu xoojinayayin diblomaasiyad aan rasmi ahayn. Waxay la jaanqaadeen reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka, oo ahaa quwaddii ugu awoodda badnayd dagaalkii qaboobaa ka dib, iyo gumaystihii hore, UK. Labada wadanba waxay marti galiyaan jaaliyado aad u tiro badan oo reer Somaliland ah.
Haddaba Xukuumadda cusub ee Somaliland, oo la wareegtay talada dalka December 2024, waxay durba muujisay firfircooni diblomaasiyadeed. Waxay wadahadallo la furtay dalal saameyn weyn ku leh caalamka, waxayna sii xoojisay xidhiidhkeedii hore ee aan rasmiga ahayn, iyada oo kor loo qaaday wada-shaqaynta Maraykanka iyo Taiwan, iyada oo isu dheellitiraysa rabitaankeeda madax-bannaanida iyo xaaladda adag ee siyaasadda gobolka iyo caalamka. taas oo ah arrin caddeyneysa sida Somaliland ay u taagan tahay dariiq siyaasadeed oo madaxbannaani ku saleysan.
Dedaaladaas dublamaasiyadeed ee xukuumadda cusub ee Somaliland ayaa baal-cusub oo siyaasadeed u furay Somaliland, kuwaasi oo si wax ku ool ah u muujiyay in ay Somaliland tahay saaxiib dimuqraadi ah oo caalamka ka caawin kara arrimo badan oo ay ka mid yihiin isbedelada xaaladda gobolka iyo danaha caalamiga ah, sida ammaan, ganacsiga, horumarka iyo la dagaalka xagjirnimada .
Tallaabooyinka siyaasadeed ee ay qaaday xukuumadda Somaland, ayaa keenay in dawladaha Maraykanka, UK iyo dowlado kale ay si cad u muujiyaan xiisahooda sii kordhaya ee Somaliland, iyaga oo ka eegaya dhinacyo istiraatiiji, amni, iyo ganacsi.
Maraykanka: Istiraatiijiyadda Cusub ee Geeska Afrika
Somaliland waxay ku guulaysatay in ay ku qanciso dawladda Maraykanka in aqoonsiga Somaliland uu fursad u yahay danaha Maraykanka, maadaama oo ay ku taallo meel istaraatiiji ah oo kaabaysa Gacanka Cadmeed, isla markaana ay ka hortagi karto khataraha sida fallaagada Xuutiyiinta iyo budhcad-badeedda, sidaa darteed ay Somaliland tahay lama huraan amni iyo ganacsi.
Aqoonsiga Maraykanku waxa uu Somaliland ku abaal-marin doonaa dedaalka joogtada ah ee ay ugu jirto ilaalinta xasilloonida iyo horumarinta dimuqraadiyadda. Si kastaba ha ahaatee, waxay ku dhiiri gelin kartaa ummadaha kale in ay iyaguna aqoonsadaan Somaliland.
Wararka ku saabsan qorshaha maamulka Trump ee 2025 ee lagu qiimeynayo aqoonsiga Somaliland ayaa muujinaya ifafaale cusub. Tani ma ahan oo keliya arrin diblomaasiyadeed waxa ay noqon kartaa tiir-dhexaad cusub oo siyaasadda Maraykanka ee Afrika lagu saleyn karo. Sidoo kale, Ictiraafka Somaliland ma noqon doono kaliya abaalmarin; wuxuu noqon doonaa maalgelinta xasilloonida, horumakar, iyo dimuqraadiyad. Wuxuu noqon doonaa fariin cad oo caalamka u diraya in dawladnimadu aanay ku imaan magaca kaliya, balse ficil iyo mas’uuliyad.
Qorshe aan ku Jirin Cabsida
Intii laga cabsan lahaa in aqoonsiga Somaliland uu horseedo burbur qaranimo oo Afrika ka dhaca, waxaa la gudboon caalamka inuu arko: Somaliland waxay u istaagtay dowladnimo mas’uul ah. Waxay horumarisay xidhiidhada ganacsi oo rasmi ah oo ay leedahay Imaaraadka, waxayna xarumo qunsuliyadeed ku leedahay meelo badan oo adduunka ah. Sidoo kale, xafiisyada wakiilnimada ee ay ku leedahay Mareykanka, UK, Canada, iyo meelo kale waxay caddeynayaan doonista shacabka Somaliland.
Xaqiiqada Aqoonsiga Somaliland:
Somaliland waxay 30 sanno iyo ka badan ku qaadatay inay dhisto nabad, dimuqraadiyad iyo hay’ado dowladeed oo shaqeeya. wax walba oo laga filayo dal madax-bannaan. Si kastaba ha ahaatee, caalamku wali wuxuu indhaha ka qarsanayaa xaqiiqda dhabta ah ee Hargeysa: in Somaliland tahay dal shaqeynaya oo mudan in la aqoonsado.
Fashilka Muqdisho iyo Fursadda Hargeysa
Xukuumadda Soomaaliya, oo uu wiiqay amni xumo, qalalaase iyo dagaallo joogto ah, budhcad-badeednimo iyo kooxo xagjiriin ah sida Al-Shabaab iyo Daacish, ayaa si weyn ugu guuldareysatay inay muujiso dowladnimo loo wada dhan yahay. Taa beddelkeeda, Somaliland waxay noqotay meel xasilloon oo lagu qabto doorashooyin xor ah, laga ilaaliyo xagjirnimada, islamarkaana leh hannaan sharci oo lagu kalsoonaan karo.
Dib-u-eegista Siyaasadda Midowga Afrika iyo Caalamka:
AU waa inay si rasmi ah u bilowdaa wadahadal dib-u-eegis ah oo ku saabsan arrinta aqoonsiga Somaliland, iyadoo tixgelinaysa xaaladdeeda gaarka ah iyo horumarka ay gaardhay.
Kaabista Xidhiidhada Diblomaasiyadeed:
Dawladaha caalamka, gaar ahaan kuwa reer galbeedka iyo kuwa gobolku, waa inay xoojiyaan xidhiidhka Somaliland, si ay u dhiirrigeliyaan isbeddel xasilloon oo la jaanqaada sharciga caalamiga ah. Waa in beesha Caalamku ay si weyn u taageerto hay’adaha Somaliland si ay u sii horumariyaan amniga, maaraynta maaliyadeed, iyo hufnaanta maamulka, iyada oo aan la sugin aqoonsi buuxa.
Gunaanad:
Somaliland waxay matalaysaa tusaale siyaasadeed oo ku cusub qaaradda Afrika: dal aan la aqoonsan balse si nabad ah u shaqeynaya, dimuqraadiyaddiisuna kobcayso. Aqoonsi buuxa wuxuu weli wajahaya caqabado siyaasadeed oo adag, laakiin iskaashi xadidan oo istiraatiiji ah ayaa noqon kara waddo kale oo la isku gaadhsiin karo xasillooni, horumar, iyo is-dhexgal caalami ah.