Taariikhda marka ay is rogto, haddana si cilmi ah loo diiwaan geliyo, waxay noqotaa ilays cusub oo dhiirrigeliya qaddiyado la isku halayn karo. 24-kii bishan Juun 2025, Baarlamaanka Boqortooyada Ingiriiska wuxuu qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, taasoo ah in Kooxda Baarlamaanka ee Xisbiyada Kala Duwan (APPG) ay si rasmi ah ugu baaqeen in UK ay aqoonsato Somaliland sida dal madax-bannaan oo buuxa. Baaqani ma aha mid laga yidhi madal siyaasadeed oo kaliya, balse wuxuu daba socdaa warbixin qoto dheer oo magaceedu yahay "Roadmap to Recognition. taasoo lagu wado in lagu daahfuro Golaha Baarlamaanka UK 26-ka Juun, maalinta xuska xornimada Somaliland ee 1960-kii. Waxaa lagu muujinayaa sida Somaliland ugu qalanto aqoonsi buuxa, iyadoo loo marayo hab sharci ah, xasiloon, iyo istaraatijiyad waaqici ah.
Warbixintaas waxaa hormuud u ah Sir Gavin Williamson. wasiirkii hore ee gaashaandhigga UK oo ay weheliyaan xildhibaano kale oo miisaan leh. Waxay cadeeyeen in Somaliland ay tahay waddan leh dawlad shaqaynaysa, doorashooyin xor ah oo si nabad ah u qabsooma, sharciyad sugan, iyo bulsho xasilloon. Waxa kale oo ay xuseen in Somaliland ay leedahay astaamo buuxa oo dal madax bannaan leeyahay lacag u gaar ah, ciidamo sugan, hay’ado dowladeed, iyo xuduudo la yaqaan. Marka la barbar dhigo waddamada kale ee gobolka Geeska Afrika, Somaliland waxay ku fadhidaa sal adag oo sharci iyo nidaam dowladnimo ah.
Intaa waxaa dheer, APPG waxay ku boorrisay dowladda UK in ay la timaaddo tallaabooyin la taaban karo, iyadoo soo jeedisay in la dhiso hay’ad rasmi ah oo madax-bannaan, oo la yidhaahdo independence Institution. Hay’addan ayaa noqon doonta mid u xil saaran qorshaynta kormeerka iyo hagidda dhammaan howlaha la xidhiidha aqoonsiga Somaliland. Waa talo muujinaysa in Ingiriisku ka baxay hadal uun, uuna diyaar u yahay in uu dhiso saldhig rasmi ah oo siyaasadeed.
UK waxay leedahay masuuliyad taariikhi ah oo gaar ah, waana dalka ay Somaliland ka xornimatay 1960-kii. Maanta waxa kale oo ay UK leedahay jaaliyad ballaadhan oo reer Somaliland ah oo ku sugan gudaha Boqortooyada taasoo kor u sii qaadaysa xidhiidhka labada dhinac. Waxaana intaa dheer in UK tahay UN penholder ee arrimaha Soomaaliya — taasoo ka dhigaysa in doorkeedu uu yahay mid go’aan qaadasho leh. Marka la isku geeyo xidhiidha taariikhiga ah jaaliyadda firfircoon iyo awoodda siyaasadeed ee UK, waxaa cad in ay tahay dalkii ugu habboonaa ee horseedi kara aqoonsiga Somaliland.
Dhanka Somaliland fursaddani waa mid aan la dayici karin. Waa saacad diblomaasiyadeed oo qaaliga ah, taasoo u baahan feejignaan isku duubni qaran iyo u diyaar garow dhameystiran. Waxaa la joogaa xilli aanay macquul ahayn in la sugo aqoonsi u yimaadda si iskiis ah balse loo baahan yahay olole diblomaasiyadeed oo miisaan leh. Somaliland waxay u baahan tahay in ay la timaaddo aragti cad, ujeeddo qaran, iyo cod mideysan oo caalamka la horgeeyo. Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxay haysataa fursad taariikhi ah oo ay ku hirgelin karto ajandaha qaddiyadda, iyadoo si toos ah ula falgasha isbeddellada socda ee caalamka.
Ugu dambayn, baaqa kasoo baxay UK wuxuu si buuxda u muujinayaa in waqtigii la sugayey uu soo dhawyahay. Halgan dheer kadib, Somaliland waxay u muuqataa in ay gaadhay heerkii loogu talagalay mid lagu kasban karo aqoonsi sharaf leh. Ingiriiska oo ah dalkii aynu ka xoroownay wuxuu hadda u muuqdaa inuu noqon doono dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi rasmi ah siiya Somaliland. Waa in aynu ka jawaabnaa si buuxda una diyaar garownaa wejiga cusub ee qaddiyadda.
Aqoonsigu wuu soo dhawyahay. Caalamkuna wuu soo jeestay. Somalilandna waa in ay noqotaa mid diyaar u ah in ay hoggaamiso masiirkeeda.
Daahir Cabdi Ciise
[email protected]
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!