Warbixin ay daabacday warbaahinta The Reporter ayaa si weyn uga faalootay horumarka geedi-socodka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo suurto-galnimada xaqiijinta aqoonsi caalami ah, iyada oo warbixintu si gaar ah diirrada u saartay Xeerka Madaxbanaanida Somaliland ee Congress-ka Maraykanka.
Daniel Worku oo ah cilmi-baadhe ku takhasusay arrimaha siyaasadda oo waraysi siiyay wariye Nardos Yoseph oo ka tirsan The Reporter ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay waayo-aragnimo wax ku ool ah oo ku saabsan hababka dimuqraadiyadda, iyada oo awoodda ugu saraysa ee dalka la isugu wareejiyo si xasiloon oo nabad ah, arrintaas oo uu tilmaamay in ay dhif iyo naadir ku tahay gobolka.
Khabiirka ayaa tilmaamay in waayo-aragnimada Somaliland iyo hannaankeeda dimuquraadiyadeed uu ka dhigay mid door muhiim ah ku leh dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo amni ee Bariga Afrika.
"Somaliland waxay ka mid tahay waddamada faro ku tiriska ah ee Bariga Afrika ee ay ka jirto nabadda joogtada ahi iyo nidaamka dimuquraadiga ah, isla markaana xilka iyo awoodda lagula kala wareego si xasiloon,” ayuu yidhi Daniel Worku waxaanu intaasi ku daray "Marka loo eego gobolka ballaadhan ee Bariga Afrika, Somaliland waxay leedahay waayo-aragnimo wax ku ool ah oo ku saabsan hababka dimuqraadiyadda. waxaanay si tartiib-tartiib ah u habeeyeen dhaqankii dimoqraadiyadda iyaga oo si nabad ah oo xasiloon awood dalka la isugu wareejiyo”
Khabiir Denial waxa kale oo uu tilmaamay in ay dhif iyo naadir tahay in Somaliland oo kale laga helo gobolka, waxaanu yidhi "Waa naadir in gobolkan laga helo dawlad sida Somaliland oo kale ah. Haddaba, waayo-aragnimada wax-ku-oolka ah ee Somaliland u leedahay dimuquraadiyadda waxay xambaarsan tahay qiimo muhim ah, mana aha oo kaliya horumarinta xasilloonida Bariga Afrika, laakiin sidoo kale waa xaalad mudan in la aqoonsado nafteeda.”
Sidoo kale waxa uu ka hadlay xeerka madax-bannaanida Somaliland ee Congresska Maraykanka waxaanu ydihi "Toddobaadkii hore, xildhibaan ka tirsan Congress-ka Maraykanka ayaa horgeeyay Congress-ka ‘Xeerka Madaxbanaanida Somaliland’, kaas oo muujinaysa in Washington hal tallaabo u soo dhawaatay si ay u noqoto dalkii ugu horreyay ee Somaliland u aqoonsada dal madax-bannaan, taas oo soo afjaraysa geedi-socodkii dheeraa ee baadigoobka aqoonsiga madax-bannaanida JSL.
Haddii uu Maraykanku aqoonsado Somaliland, waxaa shaki la’aan ah in aqoonsigu uu saameyn weyn ku yeelan doono arrimaha juquraafi-siyaasadeedka iyo awoodaha gobolka ee ku teedsan badda cas. arrintaasi waxay yeelan doontaa miisaan weyn oo asal ahaan noqonaysa qayb libaax, si loo sharciyeeyo meeqaamkaas, marka waddan cusub uu isku dayayo inuu iskii u istaago, aqoonsiga Maraykanku wuxuu inta badan leeyahay door muhiim ah. Taasina waa sababta qadiyada Somaliland isha loogu hayo. Somaliland laga soo bilaabo 1994, waxay lahayd lacag iyo calan u gaar ah. ”
Cilmi-baadhe Danial waxa uu intaasi raaciyay "Tusaale ahaan Kosovo. Waddankii ugu horreeyay ee aqoonsaday madaxbannaanida Kosovo wuxuu ahaa Maraykanka. Maraykanku wuxuu taariikh ahaan door hoggaamineed ka qaatay ansixintaa madax-bannaanida dawladnimada.”
Waxa kale oo uu sharraxay rejada laga qabo in maamulka Trump aqoonsado Somaliland waxaanu ydihi "Waa jirta rajo badan oo laga qabo maamulka Trump, taas oo la xidhiidha in Somaliland ay ugu dambeyntii heli doonto aqoonsi. Dad badan ayaa rajo weyn ka qabay in Somaliland la siiyo aqoonsi dawladnimo oo uu Trump hogaamiyo, arrintaas ayaa ah mid si dhab ah loo sheegi karo, xitaa haddii aanay weli helin aqoonsi buuxa oo caalami ah, su’aasha qaranimada Somaliland maaha mid mugdi ku jirta. Waa arrin soo shaac baxaysa.”
Daniel Worku waa cilmi-baadhe iyo khabiir ku takhakhusay falanqaynta is-goysyada nabad-dhiska, dawladnimada, iyo dhaqdhaqaaqyada madax-bannaanida ee Geeska Afrika.
Sidoo kale, Daniel waa Khabiir ku takhasusay arrimaha juquraafiyeedka gobolka, waxa uu shahaadadas Daraasaadka Nabadda iyo Amniga ka qaatay Jaamacadda Addis Ababa, hadda waa aqoonyahan ka tirsan xarunta ETH Zurich ee dhexdhexaadinta iyo gorgortanka khilaafaadka caalamiga ah.
Daniel waxa kale oo uu casharro ka dhigaa Machadka Federaalka TVET ee Waaxda Sayniska Bulshada, ka dib doorarkii hore ee macalinimo iyo cilmi-baare ee Kulliyada Sharciga iyo Maamulka ee Jaamacadda Jimma.