Dagaalka Bariga Dhexe iyo Somaliland: Diyaargarow Istiraatiji ah oo Loo Baahan Yahay Qore.Daahir Cabdi Ciise (CAMEY)

Sunday June 22, 2025 - 16:12:46
hadhwanaagnews
Hadalka Madaxweynaha ee dhawaan laga sii daayey warbaahinta


Colaadda sii xoogaysanaysa ee Bariga Dhexe, gaar ahaan iska horimaadka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil, ayaa gilgilaysa xasilloonida marin-biyoodka muhiimka u ah isu-socodka badeecadaha caalamka. Saamaynta dagaalkan ma koobna oo keliya labada dal ee uu si toos ah u saameeyey, balse waxa uu si dadban u khatar gelin karaa xasilloonida dhaqaale ee waddamo badan — Somalilandna kama madhna.

Dalka Somaliland wuxuu ku yaal goob istaraatiji ah oo ay ka muuqato muhiimad istiraatijiyadeed, balse waa mid si weyn ugu tiirsan badeecado laga keeno dibadda. Dekedda Berbera oo ah halbowlaha dhaqaale ee dalka, ayaa u adeegta sidii marin muhiim u ah helista raashinka, shidaalka, iyo dawooyinka kuwaas oo badankood ka yimaadda dalal ka baxsan Geeska Afrika. Sidaas darteed, haddii ay colaado carqaladeeyaan marinada Bab-al-Mandab ama Gacanka Cadan, waxa si toos ah u dhaawacmi doona nolosha muwaadinka reer Somaliland.

Hadalka Madaxweynaha ee dhawaan laga sii daayey warbaahinta, inkasta oo aanu xambaarsanayn dareen cabsi-gelin ah, haddana wuxuu iftiimiyey baahida loo qabo in la helo dareen-wadaag iyo feejignaan bulsho. Qodobbada uu kaga hadlayay muhiimadda masuuliyadda ganacsatada, iyo in aan xaaladaha caalamka loo adeegsan xasarad suuqeed, waxay tilmaamayaan aragti hoggaamineed oo xambaarsan danta guud iyo damiirka siyaasadeed ee dalka.

Erayadaas Madaxweyne Cirro wuxuu u adeegsaday sidii xasuusin mas’uuliyadeed oo bulsho iyo ganacsato ba lagu baraarujinayo in wax laga barto isbeddellada caalamka, isla markaana ay ka hortagaan wax kasta oo sababi kara culays nololeed oo lama filaan ah.

Haddana, weedhahaasi waxay ahayd fure lagu furayo arrimo qaran oo mug weyn leh, gaar ahaan baahida loo qabo in la xoojiyo wax soo saarka gudaha iyo kayd qaran oo la jaan qaadi kara xaaladaha degdegga ah. Waxa lagama maarmaan ah in hay'adaha sida Ha’yadda si sin Balaadhaan loo horumariyo oo laga dhigo xarumo waa wayn.
kayd raashin oo la balaadhiyo,la sameeyo kaydda u gaar ah shidaalka Qaranka kuwaas oo si xeel dheer loogu diyaariyo arimaha deg deg ah.

Sidoo kale, la wax la filan karaa hoos u dhaca ee isku socodka maraakiibta caalamiga ah, Somaliland Waa in la abuuraa hannaan is dhaafsi badeeco ah oo xoojiya isku xidhka dhaqaalaha gobolka, taasoo Somaliland ka dhigi karta waddan u adkaysan kara isbeddel kasta oo caalami ah.

Ugu dambeyn, hadalka Madaxweynaha ma ahayn oo kaliya la talin ganacsi, balse wuxuu ahaa cod mas’uuliyadeed oo ka turjumaya damiirka iyo xilkasnimada dawladnimo. Isbedbeddelaya ee Bariga Dhexe iyo saamaynta ay ku yeelan karto gobolka Geeska Afrika, Somaliland waa in ay noqotaa dal leh awood iyo diyaar garow siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho oo heer sare ah, si aanay u noqon meel ay ku dhacdo waxyeelo amni iyo dhaqaale.

Waxaana muhiim ah in si joogto ah loo qiimeeyo xaaladaha caalamka, isla markaana laga shaqeeyo qorsheyaal wax ku ool ah .
Daahir Cabdi Ciise
[email protected]

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...