Doorashadii ka dhacday Somaliland 13 November 2024 ee uu ku guulaystay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxay ahayd mid ka mid ah guulihii ugu weynaa ee dimoqraadiyadda Somaliland tan iyo markii ay si buuxda madaxbannaanideeda ula soo noqotay 1991.
Guushaas waxaa barbar socday ifafaale muujinaya in bulshada reer Somaliland ay gaadheen bisayl siyaasadeed oo heer sare ah, iyada oo si xasiloon oo nidaamsan ay bulshadu awoodda dalka ugu wareejiyeen Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyaga oo meel-marinta rabitaankooda u maray dariiqa codbixinta doorashada oo xor ah.
Muddo kooban gudaheed, Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) wuxuu bilaabay inuu dhiso hannaan hoggaamineed oo ku saleysan hal-abuur, dulqaad, iyo diblomaasiyad midho-dhal ah. Hannaankaas oo ah mid kaga duwan hoggaamiyayaashii ka horreeyey sida uu diiradda u saaray arrinta ugu weyn ee bulshada reer Somaliland ay muddada dheer u taagnaayeen oo ah helitaanka aqoonsi caalamiga ah.
Diblomaasiyadda Aqoonsi Raadinta iyo Aragti Cusub:
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu xoogga saaray diblomaasiyad aan hadal ku ekeyn balse fal ku dhisan. Halkii uu wakhti ku lumi lahaa jawaabaha hadalada xanafta leh ee ka imanaya dawladda taagta daran ee Muqdisho ama cambaareynta diblomaasiyadeed ee xasiloonida ka hor imanaysa, wuxuu doortay dariiq deggan, isaga oo ahmiyadda saaray xidhiidhada caalamiga ah, wada-xaajood iyo olole toos ah kuwaas oo lagu wajahayo dalal muhiim ah oo ka tirsan Afrika, Yurub iyo Ameerika.
Tani waa isbeddel muhiim ah. Halkii laga filayay sidii madaxdii ka horraysay, is-difaaca joogtada ah ee cadaawadda Muqdisho, Madaxweyne Cirro waxa uu adeegsaday xeeladda, isaga oo arrintaa uga gudbay olole togan oo caddeynaya in Somaliland ay tahay dal madax-bannaan oo leh dastuur, nidaam dimoqraadi ah, ciidan, calan, lacag iyo xuduudo dhisan oo u haar ah. Waxaa xusid mudan in uu bilaabay kulamo joogto ah oo uu la yeesho safaarado iyo hay’ado caalami ah, isaga oo dedaal xoogan ku bixiyay in la furo xafiisyo rasmi ah oo matala Somaliland, xitaa haddii aan wali si buuxda loo aqoonsan.
Isbeddelada Gudaha:
Marka laga yimaaddo diblomaasiyadda arrimaha dibadda, Madaxweynaha JSL waxa kale oo uu horumarin ka bilaabay gudaha dalka. Tusaalooyin cadcad oo arrintan muujinaya waxaa ka mid ah:
Dib-u-habaynta Maamulka: Madaxweynaha JSL waxa uu si toos ah u bilaabay dib-u-eegista hay’adaha dowliga ah si loo kordhiyo hufnaanta maamul iyo wax-qabadka dawliga ah
Amniga: Inkasta oo Somaliland ay horeba ugu caan baxday xasilooni, haddana Madaxweyne Cirro wuxuu xoojin ku sameeyay qorsheyaasha amniga, gaar ahaan xuduudaha bari iyo qaramaynta ciidamadii madaniga ahaa.
Dhaqaalaha: Waxaa la bilaabay mashruucyo waaweyn oo ku saabsan kaabayaasha dhaqaalaha, oo ay ka mid yihiin waddooyin cusub, dekedo la ballaadhinayo, iyo mashaariico waawayn oo lagu horumarinayo wax soo saarka beeraha ee dalka iyo horumarinta tamarta la cusboonaysiin karo ah.
La-dagaallanka Musuqmaasuqa: Madaxweynaha JSL waxa uu sameeyay olole iyo ballanqaad rasmi ah oo lagula dagaalamayo musuqmaasuqa, wax is daba marinta iyo maamul xumada. Isaga oo si cad oo daah-furan u sheegay in xukuumaddiisu aanay si mana u aqbalaynin musuqmaasuq, taas oo ah tallaabo xoolinaysa isla markaana kor u qaadaysa dedaalada wasaaradda maaliyadda JSL ee kobcinta dhaqaalaha dalka, isla xisaabtanka iyo hufnaanta hannaanka maaliyadeed ee dalka.
Gunaanad: Himilada Madaxweynaha iyo Geeddi-socodka Qaranka
Madaxweynaha Somaliland waxa uu muujinayaa ifafaale hoggaamineed oo cusub: mid ku saleysan aragti, karti, iyo kalsooni, kuna dhisan xasillooni iyo is-xakameyn siyaasadeed. Guulaha kooban ee uu durba gaadhay waa kuwo muujinaya in hoggaamintiisu leedahay jihayn cad oo ay bulshada reer Somaliland uga faa’iidaysan karto dhinac kasta.
Si kastaba ha ahaatee, waddada xukuumadda waxqabad iyo wada jir ay u marayso aqoonsi raadinta ayaa ah mid rejo weyn laga qabo, isaga oo madaxeyne Cirro hore u sheegay inuu aad u dhawyahay aqoonsiga Somaliland, isla markaana ay soo socdaan qodobo waawayn oo layaab noqon doona. Balse arrintaasi waxay u baahan tahay midnimo qaran, wada-shaqeyn siyaasadeed, iyo dulqaad badan. Waa muhiim in Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu sii wadaan is-dhexgalka bulshada rayidka, xisbiyada siyaasadda, iyo beesha caalamka.