"Waddadii Aqoonsiga Somaliland "..

Friday June 27, 2025 - 14:56:52
hadhwanaagnews
,In ay leedahay xuduudo la yaqaan oo taariikhi ah.


Baarlamaanka Boqortooyada Ingiriiska ayaa dhawaan soo saaray warbixin muhiim ah oo ka kooban 38 bog, taas oo ciwaan looga dhigay "Waddadii Aqoonsiga”, kuna saabsan qaddiyadda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Warbixintan ayaa si qoto dheer u falanqaynaysa taariikhda siyaasadeed, sharciga, iyo xaaladda hadda ee Somaliland, iyada oo xoojinaysa sababaha sharciyeed, taariikheed iyo bini’aadantinimo ee ku qotoma in Somaliland si rasmi ah loo aqoonsado.

Warbixintu waxay si cad u muujisay in Somaliland ay buuxisay dhammaan shuruudihii caalamiga ahayd ee looga baahanyahay in dal lagu aqoonsado sida;

1,In ay leedahay xuduudo la yaqaan oo taariikhi ah.
2,In ay dhistay hay’ado dawli ah oo si buuxda u shaqeeya.
3,In ay leedahay nidaam dimuqraadi ah oo doorashooyin xor ah lagu qabto.
4,In shacabka reer Somaliland si cad u muujiyeen rabitaankooda ah in ay ahaadaan dal madax bannaan.

Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay kaalintii taariikheed ee Ingiriisku ku lahaa Somaliland intii lagu jiray gumeysigii iyo ka dib xornimadii 1960-kii, taasoo mar kale dib u furaysa su’aalaha mas’uuliyadda taariikheed iyo doorka ay tahay in UK ka qaadato sidii loo xaqiijin lahaa rabitaanka dadka reer Somaliland.

Ugu dambayn, warbixintu waxa ay astaan u tahay isbeddelka ku socda garashada siyaasadeed ee caalamka, waxayna muujinaysaa in dawladda Ingiriisku ay marayaan xilli ay si dhab ah ugu baraarugeen muhiimada ay leedahay in Somaliland la siiyo aqoonsi rasmi ah, kaasi oo noqon kara tallaabo dhanka xalka nabadeed iyo horumarka Geeska Afrika u horseeda.
     
Loading...