Talaabada ay Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland ku daahfurtay Mashruuca Waxbarashada u adkaysiga Isbedelka Cimilada (Smart Climate Change Education Initiative) ayaa ah mid si buuxda u muujinaya sida ay xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland uga go’an tahay in ay wax ka qabato caqabadaha deegaanka iyo isbedelka cimilada, iyadoo loo marayo hannaan waxbarasho oo leh dariiq xeexan oo tilmaamaya yoolka qaran ee la higsanayo.
Mashruucan casriga ah ayaa ah mid loogu talogalay in kaabayaasha waxbarashada laga dhigo kuwo u adkaysan kara saamaynta isbeddelka cimilada, isla markaana lagu beero faham dheer oo la xidhiidha deegaanka iyo badbaadadiisa, iyadoo loo marayo manhaj waxbarasho oo casri ah oo si xeel dheer ula jaanqaadaya baahiyaha bulshada.
Daahfurka mashruucan oo uu horkacay Wasiirka Wasaaradda Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa sidoo kale ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiiru-dawlaha Waxbarashada Mudane Maxamed Yuusuf Ibraahim (Faacuul), Agaasimaha Guud Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Xirsi, iyo xubno kale oo ka socday hay’adaha caalamiga ah ee taageera barnaamijyada waxbarashada.
Mashruucani wuxuu astaan u yahay himilada siyaasadeed ee xukuumadda JSL oo ballanqaadyadeeda kuwa ugu muhiimsan ay ka mid ahaayeen in la dhiso waxbarasho tayo leh, u adeegta deegaanka, kuna dhisan faham cusub oo la jaanqaada waaqica maanta jira. Wasiir Ismaaciil Ducaale ayaa hoosta ka xariiqay in mashruucani yahay mid kamid ah qorshayaashii muhiimka ahaa ee xisbiga Waddani uu shacabka u ballanqaaday doorashadii la soo dhaafay.
"Maanta waa maalin muhiim ah. Mashruucani wuxuu tusaale u yahay sida ay xukuumaddu uga dhabaynayso ballanqaadyadeedii. Waxaannu bilownay hirgelintii qorshayaashii aan shacabka u balanqaadnay,” ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashada. Mashruucani waxa uu xoogga saarayaa sidii jiilka cusub loogu kobcin lahaa aqoon iyo wacyi ku aaddan deegaanka iyo isbeddelka cimilada, si loo helo bulsho mas’uul ka ah deegaanka, kana feejigan halista mustaqbalka.
Mashruuca la daahfuray waa tallaabo kale oo cad oo muujinaysa waxqabadka hufan ee xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo kartida ay u leedahay hirgelinta qorshayaal taabanaya nolosha shacabka. Waa mashruuc horseedi kara isbeddel muuqda oo xagga waxbarashada iyo deegaanka ah, waana mid mudan in lagu bogaadiyo.
Wargeyska Dawan waxa uu falanqayntan si buuxda ugu iftiiminayaa taageerada loo baahan yahay in bulshada reer Somaliland u muujiso dadaallada ay xukuumaddu ugu jirto horumarinta waxbarashada, ilaalinta deegaanka, iyo u diyaargarowga caqabadaha mustaqbalka.