Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland: Xiddig Helay Godkiisii oo laga Guntay Xikmad iyo Hoggaan Tolmoon…"

Monday May 05, 2025 - 12:05:16
hadhwanaagnews
Waxa aan doonaynaa Ceel-Afweyn isku dan ah, isku dareen



Xiddig helay godkiisii, lagana guntay xikmad iyo hoggaan talmoon. Danjire Maxamed Cali Aw Cabdi, Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu si tartiib ah ugu koray quluubta shacabka, isagoo u muuqda haldoor ku suntan xasillooni siyaasadeed, damiir qaranimo iyo hufnaan hoggaamineed. Waa shaqsi aan hadal iyo hawl midna laga waayin; iskuna darsaday falsafad hoggaan iyo ficil dhab ah.

Ceel-Afweyn: Halgan Nabadeed oo Taariikhda Galay

Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu colaaddii muddada ka taagnayd Ceel-Afweyn u beddelay madal heshiis iyo hiil qaran. Shirweynihii nabadaynta ee halkaas ka qabsoomay wuxuu muujiyey sida hoggaamiye damiirkiisu toosan yahay uu ugu suurtogelin karo xal waara, iyada oo shacabka ay ka maqleen hadal taariikhi ah oo qalbiga taabanaya:

"Waxa aan doonaynaa Ceel-Afweyn isku dan ah, isku dareen ah, balse aan kala dano iyo kalla doodo ahayn… Waxa aan jeclahay Ceel-Afweyn aan dhexdeeda dagaal iyo dil ka dhicin.”

Erayadan ayaa noqday tiir-dhexaadka kalsoonida shacabka iyo tallaabada ay ku garteen in Danjiruhu yahay hoggaamiye u damqanaya midnimada iyo nabadda.

Xigmadda Siyaasadeed iyo Mabaadi’da Hoggaamineed

Danjire Maxamed Cali Aw Cabdi waa mas’uul aan hadalkiisa madhnayn, ficilkiisuna yahay mid miraha dhaliya. Khudbadihiisa iyo hadalladiisa ayaa lagu bartay weedho xambaarsan aragti qaranimo, tusaale ahaan:

  1. Nabadda waa saldhigga horumarka; ciidanka madaniga ahna waa tiirka nabadda.”
  2. Qaran xoog leh kuma dhismo qabyaalad iyo kala fogaansho, ee wuxuu ku dhismaa midnimo iyo caddaalad.”
  3. Dhalinyarada aan shaqo helin waa halista ugu weyn ee qarannimada.”
  4. Maandooriyuhu waa cadawga mustaqbalka; qof kasta ha u guntado la dagaalankiisa.”
  5. Ma ihi Madaxweyne Ku-xigeen Galbeed ah, balse waxaan ahay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo dhan ah.”

Weedhahani ma aha hadallo siyaasadeed oo kaliya, balse waa hanuun siyaasadeed oo shacabka iyo hay’adaha dowladdu ka tashi iyo tusaale ka dhigan karaan. Waa hogga tusaaleen iyo dhiirrigelin.

Dhiirrigelin Qaran iyo Dardaaran Dhaxalgal Ah

Wuxuu Madaxweyne Ku-xigeenku ka tagay Ceel-Afweyn isagoo dadkii halkaas ku nool ku abuuray rajjo, midnimo iyo dhiirrigelin. Wuxuu yidhi:

"Ceel-Afweyn ha noqoto mid aan curadadeedu is dilin, dhalinyaradeedu hub isugu urursan, haweenkeeduna asay madaxa saaranayn. Waa in aad gacmaha is qabsataan oo nabadda dhisaan.

Hadalkan wuxuu si gaar ah u abbaarayaa damiirka bulshada, wuxuuna sare u qaaday dareenka in nabaddu tahay masuuliyad wadajir ah.

Gunaanad: Haldoor Ummad Mahadisay

Danjire Maxamed Cali Aw Cabdi waa hoggaamiye xilku muujiyey, ma aha mid xilku kiciyey. Doorashadiisu waxay noqotay ilays u ifaya qaranka, waxaana laga dheehanayaa hoggaan daacad ah oo u taagan horumar, caddaalad iyo cadaalad bulsheed.

Madaxweyne Ku-xigeenka waa mahdigii ay ummadi mahadisay. Ilayska uu Ceel-Afweyn ka shiday ha noqdo mid ka ifa guud ahaan Somaliland. Jiilasha iman doona ha dhaxlaan nabaddii uu dhidibada u taagay.

Daahir Cabdi Ciise

[email protected]

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...