hadhwanaagnews
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, Cabdisalaan Ilkacase, ayaa sheegay in shaqaalihii cabashada ka muujiyey lacagtii loo qoondeeyey xuska 18-ka May ay ku kaceen waxa uu ku tilmaamay sharci-jebin.
Cabdisalaan Ilkacase ayaa xusay in sagaalka qof ee hadallada jeediyey ay yihiin shaqaale ka tirsan wasaaradda iyo ciidamada dalka, isagoo caddeeyey in tallaabo sharci ah laga qaadi doono isla markaana lagula xisaabtami doono si waafaqsan xeerarka dalka u yaalla.
"Shaqaalaha cawday waxa ay sameeyeen sharci-jebin, sagaalkii qof ee hadlay ee qaranka eedeeyayna waxa ay ku jiraan ciidammada dalka, waxaana ka qaadaynaa tallaabo sharci ah,” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta JSL, Cabdisalaan Ilkacase.