Wasaaradda Dib-u-dejinta Oo Soo Dhawaysay Muwaadiniin Somaliland Ah Oo Laga Soo Celiyey Suudaan

Thursday July 16, 2026 - 14:01:18
hadhwanaagnews
Wasaaradda ayaa sheegtay in tallaabadani qayb ka tahay dadaallada


May be an image of one or more people

Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada Jamhuuriyadda Somaliland, oo kaashanaysa Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), ayaa Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa ku soo dhawaysay muwaadiniin reer Somaliland ah oo si iskood ah looga soo celiyey dalka Suudaan.


 

Muwaadiniinta dib ugu soo laabtay dalka ayaa la siiyey adeegyo ay ka mid yihiin soo-dhaweyn, diiwaangelin, iyo taageero nafsiyeed iyo bulsho, si loogu fududeeyo dib ula qabsiga noloshooda iyo bulshada ay ku soo laabteen.


 

Wasaaradda ayaa sheegtay in tallaabadani qayb ka tahay dadaallada lagu taageerayo muwaadiniinta dib ugu soo noqonaya dalkooda, iyadoo la kaashanayo hay’adaha caalamiga ah ee arrimaha socdaalka iyo bani’aadannimada.


 

Ugu dambayn, Wasaaradda Dib-u-dejinta ayaa bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, ugu baaqday inay ka fogaadaan tahriibka iyo socdaallada sharci-darrada ah, iyadoo xustay inay sii wadi doonto barnaamijyada dib-u-soo-celinta iyo daryeelka muwaadiniinta Somaliland ee dalka dib ugu soo laabanaya.

May be an image of one or more people, people studying and text
May be an image of one or more people, people studying, newsroom and text
May be an image of one or more people

     
Loading...