Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Yasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka qayb qaadanayay soo dhawaynta weftiga madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo muddo ka badan 70 maalmood ku maqnaa gobollada Bariga Somaliland ayaa tilmaamay inuu yahay halyay Qaran oo si wanaagsan u soo shaqeeyay mutaystayna in la soo dhaweeyo waxaanu yidhi
"Runtii maanta waa maalin wayn oo farxad leh qalibi furan, niyad san iyo waji wanaagsan ayaa lagu soo dhawaynayaa madaxwayne ku-xigeenkii Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Amb Maxamed Cali Aw-cabdi oo runtii maanta inoo ah halyay Qaran, si wanaagsan u soo shaqeeyay ummadda Somaliland kaalin wayn oo taariikhdu xusi doonto galay”.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa sidoo kale tilmaamay inay wanaagsan tahay in qofka marka uu wanaag sameeyo la dhiirigaliyo waxaanu tilmaamay
"Marka qofku wanaag sameeyo in la dhiirgaliyo in mudnaan la siiyo halkiisa la dhigo waa waajib”.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ay tahay arrintani mid muujinaysa isku duubnida, kalsoonida iyo midnimada bulshada Somaliland iyo in aanay jirin albaab uu cadawgu ka soo geli karo waxaanu sheegay
"Markaa dadka reer Somaliland gaar ahaan reer Hargaysa inay halka isugu soo baxaan, masuuliyiintii dawladu yimaadaan qalibi furan iyo gacamo wanaagsan ku soo dhaweeyaan madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, runtii waa mid uu mudan yahay, xaq u leeyahay oo uu marka horeba, maantana ay tahay Somaliland isku duubnideeda iyo midnimadeeda iyo isku kalsoonideeda iyo in aan cadawgu meel uu ka soo galaa aanay ka banaanayn in la muujiyo”.