Bulshada Berbera oo Shahaado Sharaf Mahadnaq ah Guddoonsiiyay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland

Saturday May 10, 2025 - 08:46:55
hadhwanaagnews
Intaasi kadib bulshada Berbera oo aad ugu diirsatay



Bulshada degmada Berbera ayaa shahaado sharaf dhiirigalin iyo mahad-naq ah ku maamuusay madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Amb Maxamed Cali Aw-cabdi.

 

Inta aanay madaxweyne Ku xigeenka JSL Md.Maxamed Cali Aw Cabdi maamuusin waxa ay u sameeyeen soo dhawayn aad u ballaadha oo ay ku qaabileen madaxwayne ku xigeenka iyo weftigiisa oo ka soo laabtay shaqooyinka baaxad leh ee ay soo guteen.

 

Intaasi kadib bulshada Berbera oo aad ugu diirsatay gudashada waajibaadka Qaranka ee madaxwayne ku xigeenka iyo mudantii la socotay iyo sida daacadda ah ee ay u soo gudteen hawlaha muhiimka u ah dad iyo dawladba, waxa ay garteen inay ku maamuusaan Shahaado sharaf ay ku bogaadinayaan shaqooyinka muhiimka ah ee uu mudada badan u dhabar adaygay.

 

Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Amb Maxamed Cali Aw-cabdi iyo wefti uu hogaaminayo oo mudo 72 maalmood safar shaqo ugu maqnaa gobollada bariga Somaliland isla markaana ku soo guulaystay dhamaystirka iyo xidhida nabadda Ceel A-wayn oo muddo jiitamaysay, taasi oo ay awooda saareen sidii ay u hirgali lahayd.

 

Sidoo kale waxa uu madaxwayne ku xigeenka iyo weftigiisu ku guulaystay inay Qarameeyaan ciidamadii madaniga ahaa kuwaasi oo haddii aan la qaramayn lahayn ka qayb qaadan lahaa xasilooni darrada iyo dagaalada, waxaanay soo gebo’gabeeyeen inay hubka ka mamnuucaan gobolka Sanaag.

 

Barnaamijyadan waawayn ee qaatay mudada badan iyo juhdi ay xukuumadda wadajir iy waxqabad galisay ayaa noqday ku soo jiitay idhaha bulshada Somaliland, waxaana aad loogu diirsaday weedhaha dhaxal-galka ah ee madaxwayne ku xigeenka Somaliland Amb Maxamed Cali Aw-cabdi uu u jeediyay bulshadii walaalaha ahayd ee colaaduhu ku dhex marayeen Ceel Af-wayn, kuwaasi oo noqday mid ay bulshadu aad u hadal hayeen, saaayna ku reebay dadkii walaalaha ahaa ee Ceel Af-wayn.

 

Bulshada Berbera oo ka dharagsan weftigan iyo kaalinta ay ka qaateen nabadda Bariga Somaliland iyo sida ay hubkii uga xareeyeen bulshadii iyo ciidankii madaniga ahaa ayaa garwaaqsaday inay maamuusaan madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland kadib markii uu ka soo noqday gobollada Bariga Somaliland ee uu soo gaadhay Berbera, waxaanay ku bogaadiyeen kaalinta naf hurka ah ee uu ka gaystay hawlaha waawayn ee Qaranka.

     
Loading...