"Aqoonsiga Somaliland ee USA Maaha Faro-gelin, Balse Waa Ixtiraamka Xaqiiqada Siyaasadeed ee Jirta"

Monday June 30, 2025 - 10:29:52
hadhwanaagnews
Dr. McPherson-Smith oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi...



Oliver McPherson-Smith oo ah cilmi-baadhe ku takhasusay arrimaha siyaasadda iyo ganacsiga Afrika iyo Bariga Dhexe, ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland uu yahay xaq siyaasadeed oo ay Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay in ay ka mid noqoto qaramada dunida si buuxda, kaas oo ah mid ku dhisan xaqiiqooyin siyaasadeed, taariikheed, iyo sharci.

 

Oliver McPherson-Smith waxa uu si adag u beeniyay doodaha raqiiska ah ee ay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Muqdisho ku tilmaamaan in aqoonsiga Somaliland ee dawladda Maraykanku uu yahay faragelin siyaasadeed, taas uu ku tilmaama in ayn tahay sheegasho khaldan oo aan waaqiciga sal ku lahayn.

 

Dr. McPherson-Smith oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Sheegashooyinka soo noqnoqday ee ah in aqoonsiga Mareykanka ee Somaliland uu noqonayo "faragelin arrimaha gudaha ee waddan kale.” Tani waa mid gebi ahaanba khaldan oo been ah”.

 

Oliver McPherson-Smith sidoo kale waxa uu si cad u qeexay in Somaliland ay tahay dawlad si dhab ah u madaxbanaan, si buuxdana u maamusha dhulkeeda, isla markaana dawladda Muqdisho aanay wax astaan dawladeed ah ku lahayn gudaha Somliland, isaga oo arrimahaasi sharraxaad ka bixinayaana waxa uu yidhi "Muqdisho ma maamusho Somaliland, in ka badan 30 sanno ayay Somaliland ahayd dawlad madaxbanaan. Halkee ayay joogtaa dawladda Muqdisho.

 

Ma jiraan wax astaamo dawladnimo ah oo ay Muqdisho ku leedahay gudaha Somaliland, sida xarumaha booliska, maxkamadaha ama xitaa xafiisyada maamulka. Tani waxay muujinaysaa xaqiiqada ah in Somaliland ay tahay dal si buuxda u madax-bannaan oo xaq u leh in la ixtiraamo go’aankiisa siyaasadeed iyo rabitaanka shacabka.”

 

Oliver McPherson-Smith waa cilmi-baadhe sare oo ku takhasusay siyaasadda iyo ganacsiga Afrika iyo Bariga Dhexe. Waxa uu shahaadada PhD ka haystaa cilmiga siyaasadda oo uu ka qaatay Jaamacadda Oxford, Sidoo kale waxa uu qaatay shahaadadas MA oo la xidhiidha cilmgia Daraasaadka Bariga Dhexe oo uu ka qaatay Jaamacadda Harvard, iyo shahaadada BA oo ah dhanka dhaqaalaha (Land Economy) oo uu ka qaatay Jaamacadda Cambridge.

     
Loading...