Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Somaliland ee socdaal rasmi ah ku tago dalka Qatar. Safarkan taariikhiga ah waxa uu calaamad u yahay isbeddel cusub oo dhanka diblomaasiyadda ah, isaga oo Somaliland ka dhex saaraya duruufihii go'doominta iyo ka fekerkii xidhnaanta siyaasadeed ee waqti dheer lagu soo jiray.
Wuxuu yahay socdaal aan ku salaysnayn keliya booqasho sharafeed, balse xambaarsan farriin diblomaasiyadeed oo togan oo ah in Somaliland diyaar u tahay inay la macaamisho cid kasta oo wax la qabsan karta, si loo gaadho danaha qaranka, loona furo waddooyin cusub oo iskaashi iyo horumarineed. Ma aha kaliya in Madaxweyne Cirro uu booqday Doha; waa in hoggaamiye Somaliland ah uu markii ugu horreysay si rasmi ah u dhex mushaaxay qunsuliyadaha, xarumaha siyaasadda iyo goobo istiraatiji ah oo ka mid ah Qatar, si toos ahna ula hadlay hogaanka dalkaas.
Safarkaasi waxa uu iftiimiyay bisayl siyaasadeed oo cusub wuxuuna daaha ka rogay doorka ay Somaliland ku yeelan karto xidhiidha ka Bariga Dhexe gaar ahaan iyadoo aan weli helin aqoonsi rasmi ah. Laakiin haddii waddan aan weli la aqoonsan uu si rasmi ah loo qaabilo lagalana wadaago madal diblomaasiyadeed oo sharaf leh taasi lafteedu waa horumar, qirasho dadban iyo guul siyaasadeed oo aan la dhayalsan karin.
Madaxweyne Cirro wuxuu qaaday tallaabo ku dhisan maskax furnaan, dulqaad siyaasadeed, iyo hannaan diblomaasiyadeed oo kasoo gudbaya xuduudaha fikirka xiran. Safarkani waxa uu muujinayaa in Somaliland diyaar u tahay inay la falgasho cid kasta oo danaha qaranka wax tar u leh. iyadoon lagu eegin xidhiidhada ay la leeyihiin dalalka kale, xataa haddii ay taageero la garab taagan yihiin xukuumadda Muqdisho. Tani waa aragti furan oo ku salaysan danta qaranka, ee aan ku xidhneyn dareen shakhsiyeed ama colaad raad raac ku ah taariikh hore.
Haddaba, su’aasha inagu hor imanaysa waa: maxaa Somaliland u diiday in ay si buuxda uga muuqato saaxadda caalamka?
Jawaabtu waxay ku jirtaa dhinaca diblomaasiyadda. Somaliland waxay u baahneyd in ay yeelato hoggaan fahamsan sida loola macaamilo dunida hoggaan aan cidna cadow u aqoon, cidna si indho la’aan ah saaxiib ula noqon, balse danaha qaranka si xeel dheer u odorosa. Waxa ay u baahneyd hoggaan aan ku hadlin ereyadooda kaliya, balse talaabadooda dibadda ku caddeeya in Somaliland ay diyaar u tahay inay ka mid noqoto bulshada caalamka. Taasina waa waxa laga dareemay socdaalka Madaxweyne Cirro ee Qatar.
Qatar waa dal awood weyn ku leh siyaasadda gobolka Carabta, saaxiibna la ah Maraykanka, Turkiga iyo Soomaaliya. Balse taas macnaheedu maaha in aanu dal kale la macaamili karin. Diblomaasiyaddu waa garoon furan oo cid kasta ay danteeda ku doonto. Marka Somaliland ay xidhiidh toos ah la samayso Qatar, maaha guul keliya oo xukuumadda Cirro gaadhay waa guul ay wada leedahay Somaliland oo dhan. Waa farriin u dirtay caalamka gaar ahaan dalalka Carabta, in Somaliland tahay dal leh aragti, istiraatijiyad, iyo damiir siyaasadeed oo aan ku milmin colaadaha goboleed.
Waddamadda siyaasaddoodu isdiidan tahay. Laakiin xukuumadda cusub ee Madaxweyne Cirro waxay jebisay caqabaddaas, waxayna bilowday dib u furista dariiqyadii diblomaasiyadeed ee laga gaabsaday muddo dheer.
Socdaalkan waxa uu dhashay dareen qaran oo cusub mid dhiirrigelinaya shacabka, muujinayana biseyl siyaasadeed. Somaliland waxa ay u baahan tahay taageero dhaqaale, maalgashi, iyo mashaariic horumarineed, taasoo aan lagu heli karo keliya waddamo farta yar lagu tirin karo. Dunidu maanta waa mid isku xidhan, quwaduhu kala garab qaadayaan, xiriirada diblomaasiyadeedna waa aalad si sax ah loogu adeegsado danaha qaranka. In la helo hoggaan fahmaya sida caalamku u shaqeeyo, kana dheeraada siyaasad xiran, waa waxa horseedi kara aqoonsi iyo iskaashi buuxa.
Waxaa hadda la joogaa xilligii Somaliland ay muujin lahayd kartideeda diblomaasiyadeed. Waa in la adkeeyo qunsuliyadaha, la kobciyo xiriirrada caalamiga ah, lana diyaariyo safiirro xirfad leh oo dalka matala. Waa in la abuuraa hannaan u adeega danaha shacabka, isla markaana lagu dhiso sumcad cusub oo ku salaysan diblomaasiyad wax ku ool ah. Somaliland waxay leedahay juqraafi istiraatiji ah, dad daacad ah, iyo aragti sugan waxa kaliya ee dhiman waa geesinimada in laga faa’iidaysto fursad kasta oo caalamka laga helo.
Safarka Madaxweyne Cirro ee Qatar wuxuu noqday tusaale cad oo ah in Somaliland yeelan karto xiriirro sare oo qiimo leh, xataa meelaha la moodo inay ku adag tahay. Waxa uu sidoo kale ku tusayaa in hoggaamiye dhab ah uu yahay ka garta goorta laga shaqaynayo raalli-gelinta shacabka, iyo goorta la horumarinayo danaha qaranka xitaa haddii shacabka laftoodu ku qayliyaan. Guusha dhabta ah maaha mid si degdeg ah loo arko, balse waa mid la qiro marka cawaaqibka wanaagsan la gaaro.
Madaxweyne Cirro wuxuu furay albaab. Hadda waxa saaran shacabka iyo hay’adaha kale ee dalka inay ka faa’iidaystaan. Somaliland waxay si xeel dheer ugu socotaa xilli cusub oo ay ka muuqanayso meel kasta oo dan laga helo. Dunidu waxay diyaar u tahay inay maqasho, balse Somaliland lafteedu waa inay hadashaa.
Daahir Cabdi Ciise
[email protected]
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!