Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jibriil (Awliyo) oo ah aqoonyahan iyo falanqeeye taariikheed oo reer Somaliland ah, ayaa si weyn u iftiimaiyay muhiimadda taariikhiga ah ee 26-ka Juun 1960, oo ah maalintii ay Somaliland xornimada ka qaadatay gumeysigii Ingiriiska. Sidoo kale waxa uu sharraxay farqiga u dhexeeya xuska 18-ka May ee dib ula soo noqoshada qaranimada iyo 26-ka June oo ah maalintii si rasmi ah dhidibada loogu taagay qarannimada Somaliland.
Aqoonyahan Cabdirmaan Awliyo waxa uu si weyn uga faallaaday xusaasta maalintan qaran ee 26-ka June oo kaliya aan ahayn taariikh, balse ah maalin ku qotonta dawladnimada rasmiga ah ee Somaliland, taas oo ah qodobka ugu weyn ee dhiirigelinaya aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ee mustaqbal.
Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jibriil (Awliyo) waxa uu sidsan ku sheegay qoraal lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta caalamka iyo ta gudashabam, kaas oo uu kaga hadlayay qiimaha taariikhiga ah ee maalinta 26-ka Juun: maalintii ay Somaliland xornimada ka qaadatay gumeysigii Ingiriiska sannadkii 1960-kii.
"Muhiimadda Taariikhiga ah: 26-ka June waxay ku beegan tahay gebogebadii Maxmiyaddii Ingiriiska iyo muddadii koobnayd ee ay xornimada qaadatay ka hor midowgii Somaliland iyo Soomaaliya. Waxay astaan u tahay aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland iyo qaab-dhismeedkeeda dawladeed ee lagu sameeyay maamulkii Ingiriiska, oo ay ku jiraan nidaamka baasaboorka, lacagta iyo ciidamada ammaanka,” ayaa lagu yidhi maqaalkan oo ku qornaa luuqada Ingiriisiga oo aanu soo turjunay.
Aasaaska Qaranimada Somaliland: Qoraagu waxa uu ku dooday in maalintani ay ka dhigan tahay aasaaska dhabta ah ee qaranimada Somaliland, oo ah xilli ay ku midaysan yihiin muwaadiniinteeda.
Loolanka iyo duudsiga xaqa Somalialnd: Maqaalku wuxuu ku eedeeyay siyaasiyiinta Soomaaliya inay si khaldan uga hadlaan xaqiiqada iyo muhiimadda 26-ka June, isla markaana ay u adeegsadaan dano siyaasadeed oo ay leeyihiin.
Xasuusta Guulihii Muhiimka ahaa: Aqoonyahan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jibriil (Awliyo) waxa uu xusay mihiimadda xuska maalinta, "Sidoo kale maalinta waa in la xasuusto dadkii u soo halgamay xornimada oo ay ku jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo hoggaamiyeyaasha bulshada rayidka ah. Waxa lagu xusayaa weftigii kala xaajooday madax-banaanida Ingiriiska iyo aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland wakhtigaas heshay.”
Midawgii aan la ansixin ee Soomaaliya: Qoraagu waxa uu carrabka ku adkeeyey in midowgii Soomaaliya aan waligiis si rasmi ah loo ansixin oo aanu lahayn qaab-dhismeed dastuuri ah oo adag, taas oo ka dhigaysa hab aan sharci ahayn. Waxaa kaloo la xusuustaa dhibaatadii soo martay 30-kii sanno ee midawgii fashilmay.
Ictiraaf La’aan: In kasta oo ay dib u soo ceshatay madaxbannaanideeda 1991, Somaliland weli aqoonsi caalami ah kama haysato. Qoraagu waxa uu beesha caalamka ugu baaqayaa in ay aqoonsadaan xaqa ay Somaliland u leedahay aayo ka tashigeeda.
Mudnaanta Somaliland: Qoraagu waxa uu tilmaamay waxyaabaha mudnaanta u ah dawladda Somaliland, oo ay ka mid yihiin kobaca dhaqaalaha, dhismaha qadiyadda aqoonsiga caalamiga ah, ilaalinta nabadgelyada iyo adkaynta midnimada ummadda Somaliland.
Mahadnaq iyo Rajo: Qoraagu waxa uu mahadnaq u soo jeedinayaa taageerayaasha caalamiga ah, waxana uu rajaynayaa in beesha caalamku aqoonsato Somaliland.