Fariintan-Na U Gudbiya Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro Oo Ku Dara Warqadan Aad U Gudbinaysaan .

Saturday May 03, 2025 - 12:13:25
hadhwanaagnews
Marka aynu ilaa iminka qiimayno oo miisaanka saarno...

KU : Madaxweynaha jsl mudane : Cabdiraxmaan Ciro .

OG: Wasiirka madaxtooyada jsl Khadar .


Marka aynu ilaa iminka qiimayno oo miisaanka saarno
Wax badan ayuu u qabsoomay xukuumadan cusub :

1- Qaranayntii ciidamada madani ah .
2- mushahar kordhintii ciidamada qaranka.
3- Tirakoobkii ciidamada qaranka iyo shaqaalaha xukuumada oo weli socda
4- Nabadaynta goboladii Bariga ee 20 sano colaadu ka jiray
(Ceel afweyn) .
5- Maxaabiisii ay Puntland iswaydaarsadeen iyo Somaliland.
6- Joojinta wada hadaladii somaliya iyo somaliland ee wakhti lumiska ahayd .
7- ka qeyb galkii shirkii dubai ee world summit ee uu somaliland u ooleeyay in la ictiraafo.
8- xil qeybintii beelaha somaliland oo dhan (Garxajis mooyaanee).
9- Dhamaystirkii wadooyinkii Galbeedka (Baki - Baligubadle) .


Waa arimo wada fiican muddo 4 bilood ah oo lacag badani ku baxday .

Laakiin :

1- Bariga Somaliland iyo Bulshadii soo dooratay
Wixii ay ku doorteen iyo isbedelkii ay ka sugayeen weli waxba kamay arag welina way sugayaan horumarkii dhaqaale
Iyo shaqo abuurkii
Iyo mashaariicdii iyo cadaaladii iyo sinaantii weli ma hayaan .
2- xilalkii oo iyaga wax qiimo leh laga siinin (Garxajis).
3- Wadooyinkii (Wadada Burco -oodweyne- Hargeysa) (Wadada xooluhu soo maraan ee Burco Hawdka uga baxda).
4- Shaqo abuur ma hayaan weli. ( oo wasaaradihii oo dhammi weli Hargeysa weeye iyo xarumihii shaqada).
5- Horumar dhaqaale oo u soo kordhay weli ma hayaan
iyo
xeer 12 ee cashuuraha oo wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyay oo Buco ( Togdheer) xaquuqdeedii cashuuraha oo loo soo celiyay . Arintaas oo ahayd arin siyaasadaysan oo cunaqabatayn ahayd gobolka Togdheer) iyo sadbursi weli way sugaysaa.
6- Gobolada Bariga oo xeerkii ku saabsanaa Hay'aduhu inaanay Bari tegi karin oo weli meesha yaala oo aan la bedelin .
7- Gobolada Beriga weli xuquuqdoodii waxba kama hayaan oo isbedelkii ay u doorteen Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro
Waxba kama hayaan .
8- ictiraafkii miiska ayuu saaran yahay ayaa la leeyahay , laakiin ma aragno dhaqdhaqaaq xukuumadu wefdiyo dibeda ugu dirayso.
9- Waxaynu aragnaa wasiiro aan khibrad lahayn oo aan sheegi karayn
Waxaas ay xukuumadu qabatay .


HADABA :
Maxaa mar kale lagu doortaa ee codka gobolada bariga ku siiyaan Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro in ay mar kale soo doortaan?

Wax qabadkiisa ayaa mar labaad lagu dooran karaam Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro.

Laakiin ilaa iminka way sugayaan Gobolada bariga wax qabadkoodii .

Markaa kadib ay qiimayn karayaan oo miisaanka saari karayaan Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro in ay mar kale soo doortaan iyo in kale.

Laakiin
Maalmaha iyo mudo xileedkiisa iyo wax qabadkiisa ayaa kala sheegi doona oo waynu sugaynaa.

4 MASHRUUC OO WAAWEYN AYAY GOBOLADA BARIGA KA SUGAYAAN XUKUUMADU IN AY WAX KA QABATO :

Gobolada Bariga hadio la maslgeliyo oo mashaariicda wax laga qabto ,
Isku filaansho ayuu daka gaadhayaa:
1-Mashruuca Xoolaha iyo bedelka xeer 12 ee cashuuraha (Togdheer).

2- Mashruuca Beeraha oo la maal geliyo oo dalku isku filaansho ka gaadho dhinaca wax soo saarka Beeraha iyo cuntada oo dhan .
Gobolka Sanaag waa gobol Biyo leh) .

3- Mashruuca Kaluunka iyo dhoofinta kaluunka iyo shaqo in laga abuuro xeebaha .

4- Mashruuca Macdanta tahriibta dalka kaga baxda oo shirkado iyo maamul loo sameeyo .

5- Wadada Tabca oo la dhiso .

6- Mashuuca Biyaha ee Riigaga oo dalka oo dhan laga qodo .
Harraad ayaa dilay dadkeena iyo xoolaheena iyo beeraheena iyo dhirteena.

7- Wasaaradaha dalka oo shaqaalaha loo qeybiyo dalka oo la dejiyo wasaarad kastaa magasla ay ku haboon tahay matalan
Wasaarada kaluumaysiga oo Berbera la dejiyo.

Wasaarada Beeraha oo Ceerigaabo la dejiyo .

Wasaarada Macdanta oo Ceerigaabo la dejiyo .

Wasaarada Xoolaha oo Burco la dejiyo .

Wasaarada waxbarasha oo Boorama la dejiyo.

Oo wasaarad kasta meesha ay ku haboon tagay la dejiyo ,
Waayo ? Dalkii oo dhan iyo shaqaalihii oo dgan , magaalo qudha oo Caasimadda Hargeysa ayay isugu soo ururtay .
Caasimada mooyee dalkii intii kale ,
Tuulooyin ayay noqdeen .

Cali Biixi
[email protected]
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...