Dowlada Finland ayaa ku dhawaaqday inay hakisay qaar ka mid ah gargaarka Soomaaliya ay siin jireen.
Waxaa go'aankan shaaca ka qaaday wasiirka arrimaha dibadda, ganacsiga iyo horumarinta Ville Tavio waxaana lagu sheegay in dowladda soomaaliya ay diiday in ay aqbasho in soo galootiga laga soo tarxiilay Finland dib loogu celiyo soomaaliya.
"Hakintu waxay ka dhigan tahay in aan go'aano dhaqaale oo cusub la gaari doonin ilaa horumar la taaban karo laga gaaro iskaashiga dib u celinta Soomaaliya," ayuu yiri Tavio.
Mr Tavio ayaa intaa ku daray in go'aanka Finland uu ka tarjumayo siyaasaddeeda socdaalka ee ballaaran, taas oo ku xirta kaalmada horumarinta iyo iskaashiga waddamada qaata si loo fududeeyo soo celinta muwaadiniintooda sharciga aan haysan ee ku nool dibadda.
"Dawladaha waa inay si dabiici ah ugu dadaalaan sidii ay u hubin lahaayeen in dhammaan kuwa sharci-darrada ku jooga dalkooda la soo celiyo marka taas si badqab leh loo sameeyo," ayuu yiri Mr Tavio.
Go'aanka Finland ee hakinta gargaarka ayaa u muuqda mid shuruudo ku xiraya dowladda soomaaliya.
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland, wada-shaqeynta Soomaaliya ee dib u celinta muwaadiniinteeda ayaan u dhicin sidii la filayay.
Sida uu sheegay Tavio, iskaashiga dib-u-celinta waxaa loola jeedaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan haysan sharciga deganaanshaha ee Finland.
Wasiirka ganacsiga iyo horumarinta Ville Tavion ayaa ka gaabsaday in uu sheego tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay qorshaynayaan in ay dalkooda dib ugu soo celiyaan.
Mashruucyada horumarineed ee socda ayaa la dhamayn doonaa si waafaqsan heshiisyada, sida ay masuuliyiintu ka sheegeen shirka jaraa’id. Hakintu ma khusayso gargaarka bini'aadanimo, ururada aan dawliga ahayn, ama taageerada qaybaha gaarka ah, ayaa sidoo kale ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.
Tirakoobkii la sameeyey 2022, ku dhawaad 24,365 qof oo asal ahaan Soomaali ka soo jeeda ayaa ku noolaa Finland, taasoo ka dhigaysa inay Soomaalida yihiin dadka ugu badan ee asal ahaan ka soo jeeda Afrika.
Saraakiisha Finland ma aysan shaacin tirada rasmiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay arrintan saamaynayso.
Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo hadda ka soo baxay dhanka dowladda federaalka ee Soomaaliya oo ku aadan go'aanka Finland.
Xiriir aan la sameynay qaar ka mid ah madaxda dowladda Soomaliya ayaysan ka jawaabin wicitaankeena.
Maxay Finland ka caawisaa Soomaaliya
Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd dalalka Finland iskaashiga horumarinta la wadaaga ilaa 1980-meeyadii.
Sida ay sheegtay dowladda Finland waxay Soomaaliya ka taageertaa waxbarashada, caafimaadka, iyo maamul wanaagga.
Maadama Finland ay ku nool yihiin dad badan oo asakoodu soomaali yahay ayaa Jaaliyadaha qurbaha waxay si firfircoon u horumariyaan xiriirka ganacsi ee u dhexeeya waddamada waxayna ka qayb qaataan mashaariicda horumarinta.
Intii u dhaxaysay 2021 iyo 2024, Finland waxay Soomaaliya u qoondaysay €54 milyan oo yuuro iyadoo adeegsanaysa istiraatijiyadda waddankeeda.
Ujeedooyinka howlaha Finland ee Soomaaliya sida lagu qeexay Istaraatiijiyada dalka Finland 2021-2024 ayaa ah in la kordhiyo xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Finland iyo Soomaaliya, ka qeyb qaadashada nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda, in la taageero sinnaanta jinsiga iyo xaqiijinta xuquuqda haweenka.
Dalka Finland ayaa ka mid ah dalalka Yurub ee ay ku nool yihiin qaxootiga badan ee Soomaalida.
Inta badan Soomaalida ku nool Finland waxay haystaan dhalashada dalka Finland, balse waxaa sidoo kale jira dad badan oo soomaali ah oo aan sharci haysan.
SIdee jaaliyadda Soomaalida ee Finland u arkaan qorshahan
Axmed Xasan (Towxiid) wuxuu ka mid yahay madaxda jaaliyadda Soomaalida ee Finland. Dareenkooda ku wajahan dadka aan sharciyada la siin ee la doonayo in dib loo celiyo ayuu uga warramay BBC.
"Waxa kaliya ee aan la garab taagannahay waa hiil walaaltinimo, sida inaan ka taageerno dhanka sharciga, laakin waxaa naga awood weyn sharciga dalka lagu maamulo. Maadaama qolyaha midigta ay siyaasaddan wataan, Yurubna inteeda badan ay ka siman tahay, ayaa qolooyinka ugu badan ee la doonayo in dalalkooda lagu celiyo waxaa ka mid ah Soomaalida, Ciraaqiyiinta iyo Afgaaniyiinta" ayuu yiri Axmed.
Mar wax laga weydiiyey bal in ka-jaaliyad ahaan ay isku dayeen inay dawladda Finland arrintan kala hadlaan wuxuu yiri "Waan la hadalnaa, waana la wadaagnaa annagoo kaashanayna hay'adaha kale ee u dooda qaxootiga, laakin wax kasta waxay ku xiran yihiin barnaamijka xisbiga xukunka haya" ayuu yiri.
Dhanka kale, wuxuu Axmed sheegay in wax badan ay ku xiran yihiin dhanka Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin inay dawladda Soomaaliya talo siiyaan.
Soomaalida sharciga loo diiday ayaa u badan dhallinyaro, kuwaasoo isugu jira kuwo xeryo ku jira iyo qaar magaalooyinka jooga.