Talo ku socoto Madaxweyne Xasan oo ku saabsan magaca dilka iyo dhulboobka shaatiga dowladda loo adeegsanaayo ee Muqdisho ka socda

Monday January 27, 2025 - 20:09:58
hadhwanaag
Waxaan si qota dheer rabaa kooxdan in aan kuugu ifiyo

 


Mudane Madaxweyne , waxaad nasiib u yeelatay in mar labaad aad hoggaamiso qarankan , adigoo ka mid ahaa Bulshada Rayidka , bahda Waxbarashada iyo dadkii aan ka hayaamin Soomaaliya , waa fahmi karaa qof kasta halka sarta ka quransantahay iyo caqabadaha ku xeeran Dowladda aad hoggaamiso ee rakaabka Saaran ee qaarkood arxan iyo damiir soomaalinimo ku jiran oo shaatiga aad sidato iyo magacaaga ku haleynaya wax walba oo wanaag ahaa oo Sumcad iyo Sharaf u noqon lahaa qaranka hoggaansiiya aad heyso , Madaxweyne waxaa tahay aabe caruurtiisa badankood ay ku dhasheen gudaha Soomaaliya ama ay wax ku barteen duruufaha iyo xaalada jirana xog –ogaal u ah ,


Waxaase qarankeenii iyo hoggaankaagii ka horkeenay dadka koox arxan layaabayaal ah oo isku xeran oo magafayaal ah oo dantoodii dhex mariya tan qaranka , shaatigii Dowladnimada kubooba wax walba oo uu qaranku lahaa oo ay ugu horreeyaan Dhulalkii danta guud

Waxaan si qota dheer rabaa kooxdan in aan kuugu ifiyo oo aad dhambaalyeygga hadii uu ku soo gaaro aad alle hortiisa shacabka soomaaliyeed ee Xukunkaaga hoostiisa lagu dulminaayo qarankoodii aad u garnaqsato sharafta iyo karaamada aad naga mudantahay iyo qaranka uu leeyahayna aadan ogolaan in la suurad xumeeyo , fagaarana aad ka sheegto ama wareegto ka soo saarta , magafayaasha markii aad safar dibadda ah aad aadaba goobaha danta guud ku hoobta oo aad moodo xeyn ari ah oo mudo baahnaa

Koxdan waxa ay ka kooban yihiin:

1. Saraakiil ka tirsan Booliska:qeybtan waa qeybta qaabilsan barakicinta handaada iyo caga jugleynta shacabka waxaa amarkooda uu ka soo baxaa Taliska qeybta guud , inta aan ogahay dhammaan dhulalkii la baneeyay waxa ay ku leeyihiin boqolaal boos oo aan soo bandhigi karo hadii loo baahdo cadeymo , ama marag leh , arintan waa fadeexad iyo ceeb weyn oo booliiskii u xil saarnaa ilaalinta shacabka iyo sharaftiisaa in ay ku milmaan arimahan oo ay bareer kulamo ula qaataan dhaqanka , una sheegaan in ay guuraan iyagoo la socda ganacsato , arintaas madaxweyne wax ka qabashadeeda waa mid adiga kuu taalla oo shacabka waxa ay kugu eegayaan indho ilmeynaya

2. Gudoomiye Degmo Gudoomiyaasha degmooyinka qaar ayaa ah dalaaliin soo sahmiya dhulalka dowladda ee degmooyinkooda ka banaan , qaarkood ayaa barakicinta iyo cabsi galinta iyo ka been sheegida go’aamada Dowladda kaalinweyn ka qaata , Cadeymaha iyo marqaatiga nool , dadka waa u wada jeeden , laakiin madaxweyne lama hayo qof loo ooya iyo goob lagu ooyo , qofkii loo caban lahaa dhulalkii ayaa lagu laaluushaa , waa arin si gaar ah u taabaneyso sharafta Dowladda aad hoggaamiso iyo damaceeda doorasho qof iyo cod indhaha ilmeynaya alle waa u jeedaa oo ma dayaci doonno adaase u dhaartay oo kitaab u maray

 

3.Saabiibo u dhow Madaxweynaha :Waa rag saaxibo jilbo culus ah marka la eego dhanka madaxweynaha iyo Xisbigiisa , waana ragga bud dhigga u ah boobka socda , waxa ay been ma sheegayaal u yihiin , Ganacsadata arxanka daran , Booliiska iyo Gudoomiyaha Dadaalka ah ee dhiigga shacabka ka ganacsanaya

lacaga qaar kaash ayay ku qaataan , qaarna waxa ay ku qaataan boosaas , waa arin halisteeda leh , waana arinta lumisay kalsoonida shacabka sidoo kale abuurtay rajo xumada laga muujiyo hoggaanka talada dalka haya iyo Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan sheikh,

4. Bank iyo ganacsato fhiig miirad ah Waa macaash doon dhiigga dadka ka ganacsada iyo manaxayaal arxan laabayaal ah oo aan u nixin Shacabka , waana kuba bixiya lacagaha dadka lagu barakiciyo ee boobkan joogtada ka dhigay , dhulalkii ay dadka ka barakiciyeen qaarkood lama dhisan , waa banaanyihiin wali , sababo badan dartood , qaarna jiingado ayaa lagu wareejiyay , balse rajo lagama qabo in ay danta shacabka fiiriyaan oo ay noqdaan rag xeeriya duruufaha iyo dhibka wadanka ka jiro oo Xalka ay qeyb ka noqdaan , masuuliyadda waxa ay dusha ka saarantahay Madaxweynaha iyo golaha fulinta oo la eegayaa Ficiladooda

5. Golaha Shacabka :si kooban Golaha qaarbaa agaasime yaal iyo xilal kale raadsaday ,qaarna dhulalkan ayaa lagu qanciyaa , afkii ayaa juuqda gabay ayay mareysaa qof walbana waa garan karaa in howshoodii ay gabeen

Aqoonyahanka iyo masuuliyiinta ka murugsan jahwareerkan iyo boobka waxa u furan

1.in Shaqsiyaadka iyo Bank-yada ku lugta leh arimahan la dacweeeyo oo Gal Dacwadeed looga furo dunida , lagana shaqeeyo sidii loo xayiri lahaa lacagaha macaasha Xaaraanta ah ee dhiigga shacabka ay ka sameeyeen

2.Saraakiisha Ciidan iyo Gudoomiyaasha ku lugta leh : Gudoomiyaha iyo taliyaha howshan ku howlan , marka hore waa in indho caafimaad qaba lagu tuso Madaxda Dowladdawaaba hadii ay arkayaan marka xigta waa in sidoo kale Gal dacwadeed looga furaa oo Maxkamadaha dunida , waxaa la hayaa Cadeymo ku fulin oo muuqaallo iyo dibad baxyo ah waana fududahay in go’aanno laga gaaro maadama soomaaliya ay qeyb ka tahay Ururada ka jira Gobalka

 

 

Degmada Hodan iyo Carwadii Taleex

Kooxda arxanka daran eeGanacsadata ah oo ay horkacayaan Saraakiil Booliis ah iyo Masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada ayaa lacago ku bixinaya in dadka ay jahwareeriyaan oo ay barakiciyaan , ujeedkooda ugu weyn in gacantooda dhulkaas uu soo galo oo dib ay u iibiyaan sida iyago rabaan , halkaas dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan waxa ay ku weysay ku dhawaad 100 kun oo qof oo ay cod ka heli leheed oo Dowladooda ku hoos noolaa , waanala waayay Taliyaha arxanka daran , ganacsadaha magafaha ah , gudoomiyaha Dadaalka , Wasiir , Xildhibaan , Gudoomiye gobalka , Madaxweyne Fagaare soo istaaga oo dhaca joojiya boobka iyo barakicinta

Muxuu yahay Xalka

Gunaanud sida ay wax ku socdaan xeerna ma ahan , xaqna ma ahan , dowladnimo ka fog , waxa uu dalkii u muuqdaa in taladiisii ay qabtoon xeeyn xari ah oo mudo gaajeysneed oo horar ah , waana sababay in raggii qiimaha lahaa ee qeybta Xalka ka noqon lahaa ay ka aamuseen wax walba oo dhacaya , aaway Fiqi , aaway Odowaa , aaway Sen, Xuseen Shekh , aaway Faarax Sheekh Cabduqaadir , aaway , aaway , waa weydiimo ay dadkii isla dhex socdaan halkii ay aadeen ,

Waxaanse madaxweyne Xasansheikh , Xukuumadda iyo ragga qiimaha leh ka codsanayaa in marinkan ay wax ka badalaan oo ragga maalinta madaxweyne Xasan Safar aado dhulalka ku xooma ingo’aan iyo Xal waara laga gaaro ,

Sida qaranka uu ku socdo waxaa dhici karta Doorasho iska daa e in xitaa dadkii ay waraabo-yaal noqdaan oo ay is cunaan

Xal iyo Xikmad ayaa loo baahanyahay Madaxweyne

https://mail.google.com/mail/u/2/images/cleardot.gifW/Q:Xasan kaahiye

[email protected]

 

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...