Xuseen Deyr oo si adag ugu jawabaay Xasan Sheekh

Monday March 31, 2025 - 11:32:30
hadhwanaagnews
Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in dekedda iyo madaarka Berbera ...


Afhayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa ku sifeeyay in tallaabada madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ugu bandhigay Maraykanka inuu ku wareejinayo dekedda iyo madaarka Berbera ay tahay tusaale dhammaystiran oo fasiraya beenta iyo dawladnimada fashilantay ee Soomaaliya.

Afhayeen Xuseen Deyr waxa uu cambaareeyay hindisaha been abuurka ah ee Soomaaliya oo uu tilmaamay in daboolka lagu saarayo waaqaca dhabta ah.

Afhayeenka madaxweynuhu wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay degelka X(Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland (SOLNA), waxaannu ugu baaqay Maraykanka iyo beesha caalamka inay aqoonsadaan madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo leh hantida uu madaxweynaha Soomaaliya sida been abuurka ah u sheeganayo.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in dekedda iyo madaarka Berbera ay yihiin kaabeyaasha istaraatajiga ah ee dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland.

"Jamhuuriyadda Somaliland tan iyo markii ay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda oo waafaqsan xuduudihii gumeystuhu ka tagay, waxa ay Somaliland dhidibada u taagtay dawlad xasilloon, dimuqraadi ah, isla markaana is bixisay," ayuu yidhi Afhayeenka madaxweynuhu.

Xuseen Deyr wuxuu ku dooday in Somaliland ay si buuxda u xukunto xudduudaheeda
badda, dhulka, hawada, iyo dhammaan hantida qaran ee muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin marsada iyo Madaarka Berbera. waxaanu bayaamiyay inay tiir dhexaad u yihiin koboca dhaqaalaha Somaliland iyo gobolkaba.
Waxa kaloo uu hoosta ka xariiqay in sheegashada gurracan iyo farogelinta Xasan Sheekh ee ku wajahan arrimaha Somaliland ay tilmaamayso been abuurkiisa indho la'aanta, isagoo xataa tahli karin inuu xukumo dalkiisa.

Afhayeen Xuseen Deyr wuxuu ku booriyay Maraykanka inuu ganafka ku dhufto sheegashooyinka waxba kama jiraanka ah ee madaxweynaha Soomaaliya, isagoo xusay Somaliland tahay mid si buuxda uga talisa kaabeyaasheeda dhaqaalaha.

"Dekedda iyo Madaarka Berbera waxay door muhiim ah ka qaataan kobcinta ganacsiga gobolka, kasbashada maalgashiga, iyo sugidda amniga Geeska Afrika. waxaa naga go’an in la ilaaliyo madax-bannaanideenna iyo in hantideenna qaran ay u adeegaan danaha shacabka Somaliland, isla markaana ay gacan ka geystaan horumarka gobolka," ayuu yidhi Afhayeen Xuseen Deyr.

Afhayeenku wuxuu sheegay inay Somaliland u taagan tahay ilaalinta dimuqraaddiyadda, nabadda, dhowrista xeerarka caalamiga ah iyo difaacida madaxbannaanida iyo go’aanka shacbiga JSL.
     
Loading...