DEG DEG :-"Xasan Sheekh Maxmuud, madaxwaynaha magac u yaalka ah ee dalka fashilmay ee Soomaaliya

Saturday March 29, 2025 - 11:42:59
hadhwanaagnews
Sidaasdarteed, waa arin aan micno lahayn. Waxa keliya ...
May be an image of 2 people and dais


Xasan Sheekh Maxmuud, madaxwaynaha magac u yaalka ah ee dalka fashilmay ee Soomaaliya oo ah nin xukuma dhawr kiiloomitir oo ay ku ilaaliyaan ciidamo shisheeye waxa uu dhowaan ku qoray wargayska Washington Post in aan Maraykanku aqoonsan Somaliland.

Maanta waxa dibedda u soo baxday waraaq uu u qoray Madaxwaynaha Maraykanka taas oo uu ugu bandhigay Berbera oo ah magaalo ay leedahay islamarkaana maamusho Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa u cad cid kasta oo uu ka mid yahay Madaxwaynaha Maraykanka, in waxa uu soo bandhigay Xasan Sheekh Maxmuud uu yahay wax been ah, suurtagal aanay ahayn inuu fulliyo islamarkaana uu sameeyey nin dhibaataysan oo maamulkiisu ku nool yahay mashiinka nolosha dadka ka caawiya ee dadka sakaraadka ah lagu rakibo.

Sidaasdarteed, waa arin aan micno lahayn. Waxa keliya ee ay caddaynta u tahay waa karti xumada dawladda malo awaalka ah ee Soomaaliya iyo nacaybka ay u qabto dadka reer Somaliland.

Haseyeeshee, waxa yaab leh in xuxkuumadda Somaliland ee Madaxweyne Cirro ay aamusan tahay iyada oo Xasan Sheekh uu ku hayo Somaliland dagaal diblomaasiyadeed. Ma jiro tan iyo bishii koowaad ee sanadkan wax qoraal rasmi ah oo ku saabsan dagaalka ay Somaliya soo qaaday oo uu soo saaray xafiiska Madaxwaynaha Somaliland ama wasaarad ka mid ah wasaaradaha Somaliland."
Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo)
     
Loading...