Madaxwaynaha Somaliland ayaa saaka dalka Jabuuti safar qaadanaya mudo sadex cisho ah ugu baxay.

Wednesday May 21, 2025 - 10:46:09
hadhwanaagnews
Madaxweynaha ayaa marti qaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dalka....
May be an image of 18 people


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta safar shaqo oo qaadan doona muddo 3 cisho ah ugu kicitimay dalka Jamhuuriyadda Djibouti.

Madaxweynaha ayaa marti qaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana safarkiisa ku wehelinayey xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah Xukuumadda.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doonaa danaha u dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Djibouti.
May be an image of 7 people and text

     
Loading...