Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ku wajahan caasimadda dalka Kenya ee Nairobi halkaas uu u tegayo hawlo shaqo oo muhiim ah.
Arrimaha shaqo ee la filayo in Madaxweynuhu inta uu Nairobi ku sugan yahay uu soo qaban doono waxa ka mid ah:
● Kulamo uu la yeelan doono madaxda waddanka Kenya.
●Xadhig ka jarka Safaaradda Somaliland ee dalka Kenya oo balaadhin iyo kor u qaadis lagu sameeyey.
●Xuska xafladda sannad guuradi 34-aad ee Somaliland oo ka qayb geli doono.
● shirar uu la qaadan doono wakiilada beesha Caalamka iyo daneeyeyaasha Somaliland ee ku sugan magaalada Nairobi.