Waxaanu yidhi"Deegaanka Agabar, marxuumiintii ku dhintay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro), ayaa si qoto dheer uga hadlay shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Agabar, taas oo sababtay dhimashada laba qof oo ka mid ah dadka deegaanka.
Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo ehelada labada marxuum, isaga oo ALLE uga baryay naxariis janno
Waxaanu yidhi"Deegaanka Agabar, marxuumiintii ku dhintay qoysaskooda iyo Somaliland-ba waan ka tacsiyadaynayaa. Labada marxuum ALLE ha u naxariisto, ehelkoodana samir iyo iimaan haka siiyo,” ayuu yidhi Madaxweyne Ciro.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xukuumaddu ay qaadayso tallaabo degdeg ah oo lagu xallinayo xiisadda, iyada oo la magacaabay guddi gaar ah oo loo xilsaaray in ay xal-waara ka keenaan arrinta sababtay shaqaaqada
Waxaanu yidhi "Deegaanka Agabar Marxuumiintii ku dhintay qoysaskooda iyo Somaliland ba waan ka tacsiyadaynayaa, Labada marxuun ALLE ha u naxaristo, ehelkana labada marxuum na alle Samir iyo imaan haka siiyo, waxaan idiin shegayaa in xukuumadu Agabar ay u saartay guddi xal-waara ka keenta”.
Xiisaddan ayaa salka ku haysa khilaaf la xiidhiidha shirkad ka mid ah kuwa qodista macdanta, taas oo muddooyinkii u dambeeyay ay cabashooyin ka jireen deegaankaasi.
Gebo’gabadii Madaxweynaha Somaliland ayaa carrabka ku adkeeyay in xukuumadda ay ka go'an tahay ilaalinta nabadda iyo xasiloonida dalka