Guulihii ay S/land kala soo laabatay Dalka Qatar.

Friday July 04, 2025 - 15:44:28
hadhwanaagnews
Afhayeenka madaxweynuhu wuxuu iftiimiyay in aanay hadallada


Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in socdaalkii afarta maalmood qaatay ee Weftigii madaxweynuhu shalay kaga soo laabteen dalka Qatar uu ahaa mid lagu sii adkaynayo xidhiidhka iyo cilaaqaadka Somaliland la leedahay caalamka.

Afhayeen Xuseen Deyr ayaa tilmaamay in wadahadalladii madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo weftigiisu la yeesheen masuuliyiinta sarsare iyo Hay'adaha dawladda Qatar ay ahaayeen qaar tusmaynaya
sida ay Somaliland uga go’an tahay in ay ku wajahdo diblomaasiyadda si mabda’ leh oo ay ku lammaan tahay horumar waara.

Xuseen Deyr wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter) oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA. Waxaannu hoosta ka xariiqay in kulamadii madaxweynaha Somaliland la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibedda, Wasiiru-dawlaha Ganacsiga Dibedda Qatar, Hay’adda Qatar Fund for Development iyo Qatar Charity, waxa Somaliland loo qaabilay sidii dal madax-bannaan oo sumcad diblomaasiyadeed leh.

Afhayeenka madaxweynuhu wuxuu iftiimiyay in aanay hadallada ka soo yeedha dalalka kale aanay tirtiri karin xaqiiqnimada madaxbannaanida Somaliland oo leh dawladnimo taabogal ah, kana jirto dimuqraaddiyad hanoqaaday, waxaannu ku dooday in weftiga madaxweynaha Somaliland ay si geesinimo leh u fadhiisteen miiska, una bandhigeen danaha qaranka.

Mr. Deyr wuxuu xaqiiijiyay inay Jamhuuriyadda Somaliland sii wadayso la macaamilka ay la leedahay dunida, iyadoo aan ka leexanayn himilada qarannimo ee dalkeenna!
     
Loading...