Guddoomiye Cali Xaamud, waxa uu ka hadlay ka gole ahaan qorshaha...
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Xaamud Jibriil, ayaa sheegay inay gole ahaan lacag fiican kaga qaybgeli doonaan gurmadka abaaraha ka jira degaannda dalka.
Xaalada abaaraha dalka ka jira ayaa maalinba maalinta ka danbeysa ka siidaraya iyada oo dadka iyo duunyadu halis ku jiraan.
Guddoomiye Cali Xaamud, waxa uu ka hadlay ka gole ahaan qorshaha uga meel yaala gurmadka samata-bixinta abaaraha dalka ku dhuftey.
Waxaanu yidhi."Xildhibaanadu way shirayaan oo lacag fiican oo ay nushaharkooda ka jareen ayay dadka abaaruhu halakeeyeen ugu deeqayaan"