*Waano iyo Cashar:
Xabaasha inagaga rida oo inaga qariya si deg deg ah.
Waxaa jiray nin Soomaaliyeed oo nolol fiican haystay oo caafimaad qabay, laakin toban sanno ka hor noloshiisa ayaa xanuun culus ku dhacay.
Wuxuu noqday sariir yaal, wuxuu noqday qof jidhkiisu daciifay, laakiin qalbigiisu weli nool yahay iyo maskaxdiisu iyo garaadkiisii.
Bilihii hore, dad yar ayaa telefoon u soo diri jiray oo soo salaami jiray:
"waar iska waran maanta sidee tagay?" Ayay ku odhan jireen .
Laakin muddo yar kadib, salaamtiina waa istaagtay. Sanadkii koowaad, saaxiibadisii deriska ahaa ma soo booqan. Qoysaska ka
fog
-fog na hadalkooda iska daa. . Xataa dadka qaraabada dhow ahaa ee magaalada kula noolaa iyo xaafadda, midna ma soo xasuusan inuu albaabka soo garaaco oo yidhaahdo: "Walaal sidee tahay?”
Xanuunku wuu sii dheeraaday. Wuxuu noqday mid sariirta ka kici waaya. Maalin walba wuxuu eegaayay cid albaabka soo garaacda, isagoo ku rajo weyn in qof deriska ah soo ama asxaabtii ka mid ahi soo booqdo oo uu ku yidhaahdo: "Sidee tahay maanta?” Laakiin ma jirin cid u timaadda.
Waxay ahayd cidlo xanuun badan, xanuunka jidhka.
Qofka qaba , waxaa ka xun qofka ka dhaawacma qalbiga , wofku wuxuu heli karaa daawo xanuunka jidhka ka daweysa, balse dhaawaca qalbiga iyo kelinimada ma dawayso dawadu .
Sanado ayuu ku jiray xaalad adag oo aan cidina la joogin. Laakiin maalin ayuu qudhiisii go’ay oo tiisii u timi—wuu geeriyooday.
Markii uu dhintay, waxaa dhacay wax mucjiso u eg. Magaaladii oo dhan ayaa ku soo qulqulshay xabaalihii. Waxaa yimid dad aan weligood gurigiisa soo gelin intuu noolaa. Waxaa yimid deris aan xataa hal mar soo booqan. Waxaa yimid qaraabo fog oo safar dheer u soo jaray boqolaal kiiloomitir. Waxaa yimid saaxiibo iyo jaarka magaaladooyin kale degen.
Subaxii aaska, waxaa goobta laga tiriyey in ka badan laba boqol oo qof. Dhallinyaro, waayeel ayaa wada socday gurigii waxa yimi Dumar tacsi u fadhiya oo badan, oo aan aqoon u lahayn ninkan dhintay oo qaarkood aan weligood maqlin dhimashadiisa ka hor.
Qof walba wuxuu doonaayay inuu ku hubsado in lagu riday xabaasha.
Qof walba wuxuu doonaayay inuu ka qayb galo aas uu qofkaas dhintay leeyahay.
Hadaba su'aashu waxa weeye : dadkanu Rag iyo Dumar
Ma aaska ayay u yimaadeen marxuumka , mise kulan ayay isugu yimaadeen iyo isbarasho cusub iyo dad badan oo aan muddo dheer is arag oo aasaska oo qudhi kulmiyaan?
Dadka Soomaaliyeed waa aas jecel :
Laakiin qof kasta oo ka qeyb galay aaska, midna xanuunka ninkan noloshiisa ma ogayn. Midna sanadaha uu sariirta jiifay ma booqan. Midna kelinimada uu la daalaa dhacayay ma dareemin ee haysatay.
Halkaas ayay murugadu ka muuqataa: qofka nool ayaa u baahan booqasho, caawimo iyo kalgacal.
Qofka dhintay uma baahna booqasho iyo kalgacal.
*Waano iyo Cashar:
Sheekadan waxay inoo sheegaysaa xaqiiqo murugo leh oo ku saabsan bulshadeenna Soomaaliyeed:
Waxaan u muuqanaa kuwo ku faraxsan in ay ka qeyb galaan aasaska, balse aan ka gaabinno xilliga loo baahan yahay taageero iyo booqasho.
Waxaan isu tusnaa sharafta inaan xabaasha ka soo qeyb galno, laakiin waxaan dayacnaa sharafta qofka nool ee u baahan kelmad kalgacal iyo booqasho.
Waxa qofka dhintay u baahan yahay
ma aha in boqolaal qof xabaasha ka qeyb galaan, balse in hal qof oo kalgacal leh sariirtiisa u yimaado intuu nool yahay.
*Gunaanad:
Qofka nool ayaa u baahan caawimo, booqasho iyo dareen iyo ka warhayn.
Qofka dhintay booqasho uma baahna. Sidaa darteed, casharku waa:
inta qofku nool yahay ayaa booqashada iyo ka warhaynta iyo taageeradu qiimo leedahay.
Geerida kadib, booqasho iyo kalgacal midna waxba uma tarayaan.
Qalinkii:
Cali Biixi