Waxa igu dhawaa labba dumara oo u muuqda in ay is dhaleen. Waxaan maqlay
QIIMAHA DHABTA AH.
Tabintii؛ Axmad Cali Kaahin
Gabadh Wasiir Qadariyald ah baa ka sheekaysay Qiso kooban oo ku dhacday. Ii ogolaada in aan idinla waddaago dhacdo igu dhacday aniga maadaama maanta kalmad jeedi la i yidhi gaar ahaan dhalinteena waxan u sheegayaa qisadan.waxaan ahaa masuul Wasaarada arrimaha Dibada oo hore.
Waxaan joogay Masaajidka Nabiga Naxariis iyo amaani dushiisa ha ahaatee. Anigan idinla hadlayaa.
Waxa igu dhawaa labba dumara oo u muuqda in ay is dhaleen. Waxaan maqlay sheekadooda in ay ka hadlayaan culayska aduunyada iyo hayn yaraantooda waan u diir naxay iyaga. eega xisoodka iyo baahidooda aad u caawi baan is i dhi caawin wayn. Ila may hadal ee quraankoodii bay iska sii wateen oo ay ku mashquuleen, qof kastaana hawshiisii buu ku toosay intaa ka dib.
Iyada oo aanay wax hordhac ah jirin waxay hooyadii si dagdaga iigu soo jeedsatay waxayna igu tidhi Quraanka ma xifti-sanid. Dabcan xaaladaasi waxaan dareemay culays adag iyo Xishood waan ka xumahay ee maya. Waaba iyada oo igaga yaabisay su'aashan Waxay iigu jawaabtay oo ma sidaa saad u nooshahay maxaad cimrigaaga iyo noloshaada u dayacday ma waxaad nooshahay nolol ciyaara.
Subxaanalaah dagdag baan u dareemay qiimahayga dhabta ah ugu horayn waayo miisaanada dhabta ahi waa kuwa xaqa, miisaanada aduunyadu waa kuwa aan ku qiimayno wax sida mansabyada, maalka iyo wixii la mida.
Lakiin miisaanada xaqu waa in laba rakcadood oo niyad sax ah iyo run lagu tukadaa la qiimo tahay dunida oo dhan iyo waxa dhex yaal ilaahay agtiisa.
Markii hore waan u diir naxay anigu labadaa dumara. Lakiin doodaasi waxaan ku dhamaynay in aan naftayda u naxay, waxaan moodayay in ay yihiin masaakiin balse waxaan ogaaday in aan anigu ka mid ahay masaakiinta runtuna waa taa.
Ahmed Ali Kahin
Horn Development Imitative (HDI)
Field Officer
Marketing & Sales Specialist
Business Administrator| Urban Expert
------------------------------
------------------------------
-----------------
OfficerDepartment of MaritimeTransport
Ministry of Transportation and Roads Development
+25263-4425881/ +252654425881
HA HILMAAMIN XUSKA RABI.