HADHWANAAGNEWS
Guddoomiyaha Degmada Macalin Haaruun, Mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Koofindha), ayaa ka hadlay munaasibadda furitaanka tartanka Kubadda Koleyga ee ka qabsoomay Garoonka Axmed Guray ee magaalada Hargeysa.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ciyaartoyda ka soo baxa garoonkan ay mustaqbalka ka qayb geli doonaan tartamo caalami ah, isla markaana ay mateli doonaan Qaranka Somaliland.
Waxa uu yidhi:
"Dalkii waa aqoonsaday, ciyaartoyga halkan ka soo baxana waxay mateli doonaan Qaranka.”
Dhanka kale, Guddoomiye Koofindha ayaa ku baaqay in la kor u qaado ciyaaraha kala duwan, si loo xoojiyo is-dhexgalka iyo midnimada dhalinyarada, gaar ahaan kuwa ku nool Caasimadda Hargeysa iyo guud ahaan dalka.
Wuxuu xusay in horumarinta ciyaaruhu ay door weyn ka qaadan karaan kobcinta hibada dhalinyarada iyo dhisidda bulsho firfircoon.