DEG DEG: Guddoomiyaha Sanaag Oo Sheegay In La Xakameeyay Colaaddii Xaysimo

Thursday April 30, 2026 - 17:12:34
HADHWANAAGNEWS
Wuxuu tilmaamay in sababta shaqaaqada ay salka ku hayso



Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Maxamuud Raage, ayaa sheegay in xaaladda deegaanka Xaysimo oo ay ka dhacday shaqaaqo u dhexeysa laba beelood ay hadda si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada ammaanku, isla markaana lagu guuleystay in la kala dhex galo beelihii walaalaha ahaa.


 

Guddoomiyaha oo ka hadlayay kulan warbaahineed oo lagu qabtay magaalada Ceerigaabo, ayaa xusay in dadaallo ay iska kaashadeen xukuumadda lagu dejiyay xiisaddii ka taagnayd deegaanka, isla markaana xaaladdu ay hadda tahay mid deggan.


 

Wuxuu tilmaamay in sababta shaqaaqada ay salka ku hayso khayraad dabiici ah oo deegaanka laga helay, gaar ahaan dahab iyo dhul, kuwaas oo sababay muran iyo isku dhac.


 

Maxamuud Raage ayaa yidhi: "Waxaan caddeynayaa anigoo Guddoomiyaha Sanaag ah oo kaashanaya xukuumadda in aanu deegaanka gacanta ku hayno oo aan kala dhexgalnay dadkii walaalaha ahaa ee shaqaaqadu ku dhexmartay Xaysimo. Dhibaatadani waxay ka dhalatay nimco Alle dadkan siiyey oo ah dahab iyo dhul.”

     
Loading...