Mudaharaadkii Ugu Weynaa ee UK iyo Sababaha Dhabta ah ee Ka Dambeeya. Cali Biixi

Sunday September 14, 2025 - 16:32:30
hadhwanaagnews
1- Eedeynta Qaxootiga iyo Ajaanibtka: Aragti Dadweyne:


Sabtidii 13-ka September 2025, dalka UK waxa ka dhacay mudaharaad taariikhi ah oo looga soo horjeeday ajaanibka iyo qaxootiga.

Dad badan ayaa u arkay in qaxootigu iyo ajaanibka ay yihiin sababta ugu weyn ee hoos u dhaca dhaqaalaha ku keenay dalka UK iyo
sicir-bararka, iyo nolosha adkaatay.

Hase yeeshee, diraasad cilmiyeed iyo baadhitaan qotodheer ayaa muujinaya in xaaladda adag ee bulshada UK aysan ku koobnayn hal sabab, balse ay ka dhalatay isku dhaf siyaasadeed, dhaqaale caalami ah, iyo go’aamadii taariikhiga ahaa ee siyaasadda dalka .

1- Eedeynta Qaxootiga iyo Ajaanibtka: Aragti Dadweyne:

Marka bulsho ku jirto cadaadis dhaqaale, waxa caadi ah in ay baadho (cadow muuqda) oo lagu eedeeyo. Qaxootiga iyo ajaanibka ayaa noqday bartilmaameedka ugu fudud, maadaama ay yihiin qayb muuqata oo bulshada ku cusub arintyas oo uu u sababay dunida Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo siyaasadiisa nacaybka ajaanibka iyo qaxootiga

Siyaasiyiin iyo warbaahanno gaar ah ayaa si ula kac ah ugu adeegsanaya dareenkaas, iyaga oo bulshada ku beeraya fikrado ah in:

Shaqooyin la’aanta iyo mushaharka aad u hooseeya ay sabab u yihiin shaqaalaha qaxootiga iyo ajaanibka.

Sicir-bararka iyo culayska adeegyada bulshada (cusbitaallada, iskuullada, guryaha) ay sabab u yihiin qulqulka dadka qaxootiga ah .

Laakiin diraasado badan ayaa muujiyay in qaxootiga iyo ajaanibku ay qabtaan shaqooyinka ay dadka maxaliga ahi ka caga jiidaan,
isla markaana ay qayb muhiim ah ka yihiin canshuur bixinta iyo dhaqaalaha gudaha.

2- Sababta Dhabta ah: Brexit iyo Cashuuraha Ganacsiga 2015-kii;

Ka bixitaankii UK ee Midowga Yurub (Brexit) waxa uu sababay:

Caqabadaha ganacsi: Badeecad kasta oo Yurub ka timaadda waxa lagu soo rogay cashuuro iyo sharciyo cusub,
taas oo sare u qaaday qiimaha badeecadaha.
Badeecad kasta oo Europe loo dhoofinaayo cashuur ayay dalalka Europe ku soo rogtay.

Suuq shaqo oo cidhiidhi ah: Shaqaale badan oo ajaanib ahaa oo ka shaqayn jiray beeraha, caafimaadka iyo dhismaha ayaa dalka ka baxay, taas oo abuurtay shaqaale
-yari iyo hoos u dhac dhaqaale.

Kalsooni darro dhaqaale: Maalgashadayaal badan ayaa ka gaabsaday maalgashi cusub sababo la xidhiidha suuq xaniban iyo siyaasado aan deganayn oo ay sababtay prexit.

3- Dagaalka Ukraine iyo Kharashka dhaqaale iyo Taageerada dagaalkaas:

UK waxay noqotay dal kaalin muuqata ka qaata taageerada dagaalka Ukraine. Maalin kasta malaayiin doolar ayaa ku baxa taageerada dagaalka Ukraine iyo qaxootiga dagaalka ka soo barakacay ee dalka UK lagu dejinaayo.
Inkasta oo ay tani leedahay muhiimad amni iyo istiraatiiji ah, hadana waxay culays weyn ku kordhisay miisaaniyadda gudaha iyo adeegyada bulshada.

Dagaslka ku baxa taageerada ugi weyn ee dagaslka Ukraine ayaa u sabab ah
Hoos u dhaca ugu weyn ee dhaqaale ee dalka Europe ee hadana dadka dhacabka ah
,laga jeedinaayo. Oo merl kale loo jeedinaayo.

4- Gurya La’aanta iyo Siyaasadda Dhismaha:

Gurya la’aantu waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu adag ee reer UK.

Xukuumadihii isdaba jooga
Ma dhisin guryo cusub.

Bulshada oo si degdeg ah u koraysa ayaa sii xoojisay baahida guryaha.

Qiimaha kirada iyo guryaha oo cirka isku shareeray ayaa dhalisay in kumannaan qof aanay awoodin in ay kiradii uska bixiyaan .

5- Sicir-Bararka iyo Dhaqaalaha Caalamiga ah ;

Sicir-bararku waa arin aan keliya ku koobnayn gudaha UK, balse ah dhibaato caalami ah :

Qiimaha shidaalka iyo tamarta oo kor u kacay 50%kii.

Silsiladaha sahayda oo kala go’ay kadib COVID 19-kio iyo dagaalka Ukraine.

Suuqyada cuntooyinka oo saamayn xoogan ku yeeshay korodhka qiimaha.

6- Siyaasadda UK: Fashil iyo Kala Daadsanaan iyo aragti la'aan siyaasadeed:

Mudaharaadkan ayaa sidoo kale muujinaya fashilka siyaasadeed ee dalka UK:

10 sano gudahood waxa isbedelay lix xukuumadood.
14 sano oo talada dalka uu hayay Xisbiga Conservative bloo ku guuldaraystay qorshe dhaqaale oo waara oo savabay jaahwareer siyaasadeed iyo dhaqaale.

Xisbiga Labour-ka oo talada la wareegay 2024-kii oo la iman weli qorshe siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo dhab ahboo aan lagayn qorshe siyaasadeed iyo dhaqaame oo aan aragti siyaasadeed iyo dhaqaale xukunka la iman.
Ee shacabku usbedelka ay doonayeen siyaasadeed.

Natiijadu waxay noqotay in eedda la saaro qaxootiga iyo ajaanibka, halkii laga qiran lahaa khaladaadka siyaasadeed ee dhaqaale oo la baadhi lahaa sababra dhabta ah.

Waxaa intaas dheer, siyaasadda UK waxa ka muuqata:

Kala fogaansho hogaamineed: Maayirkii London, Ra’iisul Wasaarihii Britain iyo Ra’iisul Wasaarihii Scotland dhammaantood asal ahaan waa ajaanib , markii ay siyaasada iyo hogaanka ku fashilmeen dadkii u dhashay UK

Kalsooni luntay: Bulshada cad iyo qaar badan oo Yurubian ah ayaa u arkay in siyaasadda Britain ay ka go’day dhaqankii hore iyo qiyamka ay ku faani jirtay oo ay asqawsay oo wareertay

7- Gunaanad iyo Xikmad:

Mudaharaadkii 13-ka September waxa uu ahaa muujin dareen bulsho oo qoto dheer, laakiin diraasadda qotada dheer waxay iftiiminaysaa xaqiiq kale:

Qaxootiga iyo ajaanibku maaha sababta kaliya ee dhibaatada dhaqaale sababtay.

Sababaha dhabta ahi waa layska indha tirayaa:
Brexit, taageerada dagaalka Ukraine, guryo la’aanta, sicir-bararka caalamiga ah, iyo fashilka siyaasadeed ee gudaha ee siyaasinyiinta dalkaUK.

Xalka dhabta ahi waxa uu u baahan yahay:

Siyaasad dhaqaale iyo qorshe cad oo dalka dib u dhis ku sameeya iyo aragtiyo siyaasadeed oo xal wara.

Dhismaha guryo cusub iyo shaqooyin waara iyo Europe oo ay ku noqdaan .

Siyaasiyiin mas’uul ah oo leh qorshe iyo aragti siyaasadeed iyo garasho hogaamineed,
halkii ay bulshada ku jaahwareerin lahaayeen eedaymo qaldan iyo fashilka ka cararay.

Xikmaddu waa: Qaxootiga iyo ajaanibku waa qayb ka mid ah bulshada casriga ah ee UK, balse fashilka siyaasadeed iyo dhaqaale waa mas’uuliyadda hoggaanka gudaha iyo siyaasiyiinta asn aragti lahayn siyaasadeed iyo mid dhaqaale .

Dalkii UK dhaqaslihiisii iyo siyaasadiisii waxay ku burburinayaan hogaankii dalka UK, dagaal aanay weligood ku guulaysan karayn oo khasaare ah oo sabab la'aan ay ugu jiraan oo dalka Maraykanka uu geliyay oo ku salaysan tijaabooyin hubka maraykanka ah .

Dalkii UK xal siyaasadeed oo dhaqaale oo ku dhisan aragti siyaasadeed iyo indheer garaadnimo siyaasadeed iyo hogaan dalka ka saari kara dhibaatada siyaasadeed iyo dhaqaale ayuu dalkii UK u baahan yahay.

Diraasad: Cali Biixi
[email protected]
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...