Mar kasta oo sharcigu hadlo,
Xaqiiqdu ma lagama baxsan karaayo.
Waa woraal ku dhisan xaqiiqooyin taariikheed iyo sharci.
Oo Xaqiiqo Ku Dhisan
Marka maalinta ay timaaddo in Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) loo gudbiyo arrinta Soomaaliya iyo Somaliland,
waxa bilaaban doona safar sharciyeed oo ka duwan wixii taariikh ahaan hore loo arki
Sababtu? Su’aalaha ay mudanayaal xeerbeeg ah weydiin doonaan Muqdisho waa kuwo culus oo taabanaya asalka dawladnimo, taariikh sharciyeed, iyo sida ay ummaduhu ku dhismaan.
Su’aalaha Ay ICJ Weydiin Karto Soomaaliya
Marka dokumentiyada la furo oo xeerbeegtuna gacanta ku dhigto faylasha,
waxaa soo bixi doona su’aalo aan Muqdisho u diyaarsanayn:
"Keena waraaqihii aad gumeystaha xorriyadda ka qaadateen.”
"Maalintii aad xorriyadda qaadateen?”
"Yaad ka qaadateen?”
"Somaliland yay ka qaadatay xorriyadda?”
"Goorma ayay qaadatay?”
"Gumeystihii Somaliland ka qaadatay xorriyadda yuu ahaa?”
"Halkee ku dambeeyeen sharciyadii labada dal markii la isku darsaday?”
Marka dukumiintiyada la is barbardhigo,
kuwa Britain ka siisay Somaliland iyo kuwa Talyaanigu ka siisy koonfurta.
Waxaa muuqanaysa kala duwanaanshaha taariikhaha iyo dawladnimada ku soo caan baxday
Laba maxmiyadood oo kala
Xaqiiqda Taariikheed ee Aan La qarin Karin
Somaliland waxay xorriyadda ka qaadatay Boqortooyada Britain – 26 Juun 1960.
Soomaaliya (koonfurta) waxay xorriyadda ka qaadatay Talyaaniga – 1dii Luulyo 1960.
Labada dal waxay isugu yimaaddeen midnimo degdeg ah oo aan lahayn sharci dhammeystiran oo waxba may ku heshiin. Waxna may kala qoran, waxa uu ahaa caadifad ummadeed.
196 December ayay isku dayeen dadkii somaliland ka soo jeeday in ay ka noqdaan isku darkii, laakiin wuu fashilmay .
Midowga Afrika wuxuu 2005 cadeeyay in Somaliland iyo Soomaaliya ahaayeen laba dal oo kala madaxbannaan marka loo eego xuduudihii gumeystayaasha.
Marka Soomaaliya ICJ Hortimaaddo…
Dacwadda Soomaaliya marka ay maxkamadda u gudbiso, waxa dhici karta in dooda la weecdo oo maxkamaddu marka hore is weydiiso:
"Dalku ma ahaa hal dal oo sharci ku midoobay?”
Haddii aan la helin dukumiintigii caddaynaayay in ay dal qudha isku ahaayeen , waxa dhici doonta in maxkamaddu aragto midowgii 1960 inuu ahaa hawl siyaasadeed oo aan sharci buuxa lahayn, taas oo beddelaysa xogtii hore ee ay Muqdisho ku doodi jirtay.
Xasuusta Dacwaddii UN –ta Guuldarradii Laga ay kala Soo Laabatay
Dalka Soomaaliya mar hore ayuu u gudbiyay Qaramada Midoobay dacwad ka dhan ah aqoonsiga Somaliland.
Waxaase ka soo baxay khasaaro siyaasadeed, sababtoo ah:
UN-ku wuxuu ku adkaystay in arrintu tahay mid siyaasadeed iyo sharciyeed oo u baahan wadahadal.
Wax guul ah lagama helin, mana jirin go’aan cunaqabateyn ama sharci jebin ah oo Somaliland lagu hayo.
10 January Shirkii Ururka Islaamka (OIC)
Markii Soomaaliya isku dayday inay halkaa ka hesho qoraal culus oo Somaliland loogu canbaareeyo
"jabinta midnimada,” waxa dib u dhac ku noqotay rajooyinkii Muqdisho.
Waxaana soo baxay qoraal aan laysku raacin,
balse ku baaqaya wadahadal iyo xal wadajir ah.
Gunaanad:
Xikmad Leh
Haddii uu ICJ somaliya dacwad u gudbiso, maxkamaddu waxay noqonaysaa meel lagu kala baxo oo xafidaysa wixii dokumenti ah, caddeyn ah, iyo taariikh ah.
Dacwad kasta oo caalami ah ma aha goob lagu codsado rabitaan siyaasadeed,
ee waa meel lagu kala saaro sharci iyo xaqiiqo.
Somaliland waxay diyaar u tahay dokumenti iyo taariikh.
Soomaaliya waxa laga doonayaa inay diyaar u noqdo su’aalaha aan laga leexan karin.
Mar kasta oo sharcigu hadlo,
Xaqiiqdu ma lagama baxsan karaayo.
Qalinkii :
Cali Biixi