Wasiirka Ciyaaraha D.jibouti oo booqasho gaar ah ku yimid Somaliland
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) iyo agaasimaha guud ee wasaaradda, ayaa xarunta wasaaradda ku soo dhaweeyay wasiirka Ciyaaraha Jamhuuriyadda D.jibouti, Mudane Xasan Maxamed Kaamil, iyo ciyaaryahankii caanka ahaa ee hore, Muuse Qudhaanjo.
Wasiirka Ciyaaraha D.jibouti oo booqasho gaar ah ku yimid Somaliland, ayaa halkaasi kula kulmay masuuliyiinta wasaaradda, kuwaas oo sheegay in muddada uu wasiirku ku sugan yahay dalka lagu qaban doono kulamo muhiim ah oo kor loogu qaadayo wada-shaqeynta labada dhinac.
Booqashada Wasiirka D.jibouti waxay kusoo beegantay xilli iskaashi dhow iyo xidhiidh midho-dhal ah uu ka dhexeeyo labada wasaaradood ee Ciyaaraha ee Somaliland iyo D.jibouti.
Masuuliyiinta labada dal ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sii xoojinta xidhiidhkaasi, si dhallinyarada iyo ciyaaraha labada waddan uga faa’iidaystaan fursado horumarineed oo dheeraad ah.