Waxaanu yidhi "Jaamacaduhu door laxaad leh ayey ku leeyihiin....
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in jaamacaduhu door weyn ku leeyihiin isbeddelka bulshada, sida aqoonta, dhaqanka iyo dhaqaalaha.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in maanta bulshada intooda badan laga hagi karo baraha bulshada, balse dunida ay saamaynta ugu badan ku yeeshaan dadka aqoonta leh ee fekerka iyo dooda bulshada qaabeeya. Sidaas darteed, waxa uu ku baaqay in jaamacaduhu noqdaan xarun hal-abuur iyo dood bulsheed lagu dhiso.
Waxaanu yidhi "Jaamacaduhu door laxaad leh ayey ku leeyihiin isbeddelka ay bulsho samayso, sida isbeddelka aqooneed, isbeddel dhaqan iyo dhaqaale, waxaana inta badan aasaas u ah Jaamacadaha iyo wax-soo-saarkooda iyo qaabaynta sida ay dadku u fikirayaan.
Maanta bulshadeena waxa laga hagaa social Media-yaha, waxaana laga yaabaa inuu bulshada saamayn ku yeesho qof aan dugsi dhexe gelin, laakiin dunida inta badan saamaynta ugu badan waxaa ku leh dadka aqoonta leh ee fekeraya, sida loojiga ahna doodaha u samaynaya, markaa waxa Jaamacadaha laga rabaa inay abuuraan hal-abuurkii ay dadku ku doodi lahaayeen."