Tani waa safarkii ugu horreeyay ee Madaxweyne Cirro....
Ilo-wareedyo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu toddobaadkan qorsheynayo inuu booqasho rasmi ah ku tago dalka Kenya – safar si gaar ah isha loogu hayo marka la eego xilliga iyo xaaladda Geeska Afrika.
Booqashadan ayaa lagu wadaa in ay diiradda saarto xoojinta xiriirka Somaliland iyo Kenya, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, diblomaasiyadda, iyo amniga gobolka. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Cirro uu kulan la yeelan doono madaxda ugu sarreysa ee dowladda Kenya, si loo darso mustaqbalka iskaashiga labada dhinac.
Tani waa safarkii ugu horreeyay ee Madaxweyne Cirro ku tago Kenya tan iyo markii uu xilka la wareegay bishii Diseembar 2024, waxaana loo arkaa mid siyaasaddiisa dibadda u horseedi kara fursado cusub.
Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa dhowaan booqasho shaqo ku tagay dalka Jabuuti, halkaasoo uu kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Kulankaasi wuxuu salka ku hayay iskaashi laba geesood ah oo ku saabsan amniga xuduudaha, dhaqaalaha, iyo xiriirka gobolka.
Booqashadan Kenya waxaa loo fasirtay tallaabo dhanka diblomaasiyadda, iyada oo xukuumadda Cirro ay xoogga saarayaan dhisidda saaxiibtinimo cusub oo ay la yeeshaan dowladaha Afrika iyo kuwa caalamka.