Kenya: Cadaadis Siyaasadeed oo Ka Dhashay Dilka Qoraagii Albert Ojwang

Saturday June 14, 2025 - 09:39:21
hadhwanaagnews
Boqolaal qod oo dibadbaxayaal ah oo ka cadhgooday


Geerida Albert Ojwang, oo ahaa qoraa siyaasadeed oo caan ah, ayaa kicisay cadho iyo mudaharaadyo xooggan oo lagaga soo horjeedo booliskas dalka Kenaya, iyada oo ciidamada ammaanka ee dalkaasi lagu eedaynayo tacaddiyado baahsan iyo adeegsiga awoodda oo aan xad lahayn.

Boqolaal qod oo dibadbaxayaal ah oo ka cadhgooday dilka qoraagan ii Albert Ojwan ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Nairobi, iyaga oo ku baaqaya in ay iscasilaan madaxdas booliska. Ciidamada ammaanka ee dalka Kenaya ayaa wajahaya cadaadis isa soo taraya oo kaga imanaya dadka shacabka, hoggaamiyayaasha mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka ah iyo ururada xaquuqda aadamaha u dooda, kuwaasi oo hoggaanka ciidamada booliska iyo xukuumadda ba u soo jeedinaya in ay is casilaan.

Ciidamada Booliska ayaa soo xidhay nin farsamoyaqaan ah oo looga shakisanyahay in uu wax ka ogyahay dilka, kaas oo shaqaale ka ahaa nidaamka ilaalinta ee Saldhiga Dhexe ee Booliska, iyada oo ciidamada ammaanku si wax ku ool ahna u muujiyeen caddaymo muujin kara dilka Mr Ojwang.

Madaxweyne William Ruto ayaa toddobaadkan si cad u qirtay in Ojwang uu ku dhintay gacanta booliska, isaga oo ku tilmaamay geeridiisa mid naxdin leh oo aan la aqbali karin. Ruto waxa uu amray booliska qaranka in ay si buuxda ula shaqeeyaan Guddiga Kormeerka Madaxa-bannaan ee Booliska (IPOA) si xaqiiqda loo helo. Waxa uu cambaareeyay wax kasta oo sababay dhimashadiisa, oo ay ku jiraan dayacaad ama dambiyo si toos ah loo fuliyay.

Inkasta oo madaxweynuhu horey u ballan qaaday inuu soo afjari doono dilalka sharci-darrada ah ee ay geystaan booliska, hadana ururada u dooda xuquuqda aadanaha iyo dhaqdhaqaaqayaasha bulshada ayaa dhaleeceeyay maamulka Ruto, iyaga oo ku eedeeyay in aanay wax ka qaban xadgudubyada, xitaa mararka qaar ay qarsoodi ku difaacaan dambiyadaas.
     
Loading...