Waxaaney yidhaahdeen."Dilkii ka dhacay Suuqa Caanaha Riyaha
Taliska ciidanka booliska JSL, ayaa ka faahfaahin ka bixiyay dil ka dhacay Suuqa caanaha riyaha ee magaalada Hargeysa, kaasi oo ay ku dhinteen laba dhaliyara ah ILLAAHAY ha u naxariistee.
Sidoo kale ciidanka boolisku waxa ay sheegeen in dilkii labada Marxuum dad loo qabqabtay, isla markaana ay ku daba joogaan radaad
Waxaaney yidhaahdeen."Dilkii ka dhacay Suuqa Caanaha Riyaha, ee lagu dilay labada marxuub ee kala ah Khadar Ibraahim Maxamed oo 23 jir ah iyo Suldaan Axmed Cabdilaahi oo 22 jir ah, ilaa hadda ciidanka boolisku baadhitaanka uu waddo waxa lagu ogaaday in nin madaxa duubtay uu toogtey laba dhallinyaro ah, isla markaana ay madaxa kaga dhacday, dad loo soo xidh-xidhay iyo raadad way jiraan, waxaanu ku rajjo weynahay in si deg deg ah loo soo qaban doono gacan ku dhiiglihi rasmiga ahaa”