DEG DEG In ka Bdan 40 qof oo ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay Koonfur Africa

Wednesday October 15, 2025 - 15:14:20
hadhwanaagnews
Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ka tacsiyadeeyay



Afartan iyo laba qof oo u dhashay dalalka Zimbabwe iyo Malawi ayaa dhintay ka dib markii bas ay la socdeen oo ku sii jeeday xaafadahoodi uu ku rogmaday waddo ku taal Koonfur Afrika, sida ay saraakiishu sheegeen.

Shilku wuxuu dhacay habeenimadii Axadda iyadoo basku uu marayay qeyb buuraley ah oo ka mid ah wadada weyn ee N1 ee ku taal gobolka Limpopo ee Koonfur Afrika, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan gaadiidka maxalliga ah.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ka tacsiyadeeyay tirada dhimashada badan, oo ay ku jiraan toddoba carruur ah, wuxuuna sheegay in tani aanay ahayn oo keliya masiibo ku timid dalka, balse ay sidoo kale tahay masiibo ku timid "dalalkeena walaalaha ah ee Zimbabwe iyo Malawi”.

Sababta shilku ma cadda, laakiin baadhitaan ayaa la billabay.

Sida wararku sheegayaan, basku wuxuu ka soo ambabaxay magaalada Gqeberha ee ku taal gobolka Eastern Cape.

Ma cadda inta qof ee la socday baska markii uu shilku dhacay, ama inta uu qaadi karo.

Sidoo kale toddobada carruurta ah, 18 haween ah iyo 17 rag ah ayaa dhintay, halka 49 qof ay dhaawacmeen, sida ay saraakiishu xaqiijiyeen.

Saraakiil ka tirsan dawladda, oo ay ku jirto Wasiirka Gaadiidka Barbara Creecy, ayaa loo qorsheeyay inay booqdaan goobta shilku ka dhacay iyo sidoo kale rakaabka dhaawacmay.


     
Loading...