Dagaalada Dadkiinii Dhashaye,Halis Ka Soo Doogay,Daayacaad Kamaanaan Sugayn,Hawl Dib Loo Dhigayo.

Saturday July 19, 2025 - 12:52:15
hadhwanaagnews
Dooga Inaydun Gaadhaan Socdo,Noo Dalaandaliya.

 



Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

 

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

 

1-Degdeg Iyo Xanaaqa Ku Badan,Duulkan Soo Kacay,

 

Duunyadu Intay Ooman Tahay,Yaan Darleef Dhicin,

 

 

2-Degenaanshaha Door Dhale,Dabino Dhawr Yeesha,

 

Dooga Inaydun Gaadhaan Socdo,Noo Dalaandaliya.

 

 

3-Deked Qudhaynu Maal Leenahayo,Dubayna Joogtaa,

 

Dalkeenan Deeqimaysee Ka Jira,Daalinka Iyo Tuugag,

 

 

4-Dilaalka Iyo Malaalkaba Ka Jira,Daarta Gudaheeda,

 

Dadargeliya Beeraha Qotoo,Dalagna Soo Saara.

 

 

5-Duleedada Magaalooyinku,Dahabku Buuxaaye,

 

Wataas Laysku Dilayeen Lahayn,Dawlad Amareed.

 

 

6-Doolraac Dad Soo Duulayba,Dooxyo Loo Xidhay,

 

Derbiyadaanay Jiifaan Kuwii,Daayin Ugu Deeqay.

<[email protected]>

 

 

Ismail Abdulla Handuleh.

 

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...